Maxay Yihiin Diyaaradaha Ciidamada Ku Daabulaya Muqdishada Soomaliya

0
327

Saaka waxaa magaalada Kismaayo kasoo duushay Diyaarad sida ciidamada Khaaska ah ee ilaalada Madaxwayne Axmed Madoobe waxayna goordhow ka dagi doonta magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Maalmihii udambeeyay waxaa magaalada muqdisho kusii qulqulaya ciiidamada ilaaloyinka gaarka ah ee madaxwaynayasha maamul goboleedyada,sida ay xogo ku helayso warbahinta QORYAALENEWS ayaa sheegaya in uu shir dhawanahan ka qabsoomi doono magaladda muqdisho shirkaasi oo udhaxeeya madaxwaynayasha maamulada Puntland Jubaland Iyo madaxwayne Farmaajo shirkan ayaa waxa uu u san saan egyahay in Farmaajo uu ku qanciyo Madaxda muladaasi qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusomareeb ka qabsoomay oo anay xaadir ahayn labadan maamul yeedhinta qodobadaasi. ilaa hada warar rasmi ah oo ku aadan sababta ciidamadan ilaaloyinka ah ay Muqdisho ugu qulqulayaan ma jirto. 

Burco Office{QORYAALE-NEWS}

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here