Dad Ku Dhintay Roobab Dabeylo Wata Oo Ka Da’ay Maamulka Puntland

0
441

Roobab khasaare gaystey ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah degaanada maamulka Puntland, Waxaana lasoo sheegayaa in ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhawaac leh oo soo gaadhay dad shacab ah.

Wararku waxaa ay sheegayan in Roobabka oo ahaa mahiigaan, dabeylana watay ay ka da’ayeen Degmada lagu magacaabo Rako Raaxo, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaadhay dad xoolo dhaqato ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in hal qof oo haweenay ah ay ku dhimatay roobabkaas, kadib markii ay Biriq ku dhacday Haweenayda, waxaana sidoo kale goob joogayaal ay sheegeen in Gaadhi ay ku dhacday Biriq kaasi oo xiligaas ayna jirin wax dad ah oo saarnaa, balse dhammaan gaadhiga iyo guryo ka agdhawaa ayaa bur-buray.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan inay jiraan xoolo badan oo roobab ku saameeyeen, waxaana dadka shacabka ee reer guuraaga ah ay dalbadeen in loosoo gurmado.

Wasaaradda Arrimaha deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada maamul Gobolleedka Puntland ayaa hore soo saartay digniin Cusub oo ku socota dadka degan deegaanada Gobolada Bari, waxaana lagu wargeliyay roobab daadad wata oo halkaas ku waajahan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda deegaanka Beeraha ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanada Puntland gaar ahaan Gobolada Bari laga qabsi qabo inay ka da’aan roobab sababi kara daadad xooggan, isla markaana daadadka ku rogmadaan deegaano ka tirsan Goboladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here