Israa’iil Oo Mar Kale Duqeysey Marinka Qasa Ee Falastiin

0
356

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa habeenimadii Arbacada duqeeyey marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta, taas oo sababtay khasaaro weyn sida ay ku warrameyso warbaahinta Falastiin.

Sida laga soo xiganayo Wafa, wakaalada wararka ee Falastiin, diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa gantaalo ku dhuftey Beyt Lahiya ee ku taalla waqooyiga marinka, sidoo kale Israa’iil waxay beegsadeen Deyr al-Balah badhtamaha marinka Qasa, iyo goobo kale oo ku yaalla dhanka koonfureed ee isla marinka Qasa.

Subaxnimadii hore ee shalay Arbaca ahayd ayaa bayaan ka soo baxay ciidanka Israa’iil lagu sheegay inay qaadeen ilaa 10 weerar oo dhanka cirka ah taas oo lala beegsadey goobo Xamaas ay ka soo ridey gantaalo. Galabnimadii Salaasada ayaa laba gantaal ka soo dhaceen dhanka Qasa waxaana ka hortey oo qabtey Iron Dome anti-missile system sida Israa’iil sheegatay.

Duqeymahan ayaa imaanaya iyada oo dalalka Imaraadka Carabta iyo Baxreyn ay heshiis taariikhi lagu sheegay kula saxeexdeen Israa’iil magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here