Gabadh 5 Jir Ahayd Oo Xalay Lagu Kufsaday Muqdisho

0
270

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kiis kufsi oo naxdin leh uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan, iyadoo la kufsaday gabadh 5 jir ah.

Qoyska dhibaatada ku dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in falkan uu geystay nin xaafada degan oo gabadha qabsaday, dabadeedna faraxumeeyay.

Gabadha shanta jir ayaa lagu magacaabaa Samiira Yuusuf Maxamed ayaa la geeyay cisbitaalka Digfeer, si baadhitaan loogu sameeyo xaaladeeda, iyadoo natiijada baadhitaanka lagu ogaaday in gabadha lagu kufsaday.

Qoyska gabadha la kufsaday ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay cadaalad helaan, waxaana la sheegay ninka kufsiga geystay uu baxsaday.

Kiiskan kufsiga ayaa noqonaya kii labaad oo carruur yar ah oo ka dhaca Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here