Madaxweyne Trump Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Soomaalida Minnesota

0
314

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

Trump oo boqolaal kamid ah taageerayaashiisa la hadlayay, ayaa Soomaalida iyo qaxootiga ka yimid dalalka Islaamka ku tilmaamay inay la wareegidoonaan oo burburindoono Minnesota, haddii uu guulaysto musharaxa la tartamaya Joe Biden.

Madaxweyne Trump ayaa afar sanno kadib mar kale ololihiisa doorashada ku galaya la dagaalanka iyo nacaybka soo galootiga ah ee ka imaanaya inta badan waddamada Islaamka

Trump wuxuu mar kale weerar afka ku qaaday xildhibaanada Congress-ka Ilhan Omar, isgoo ku tilmaamay inay tahay Xagjir geysatay fal dambiyeedyo.

03 November sannadkan, dalka Maraykanka waxaa ka dhicidoonta doorashada madaxtinimada.

Madaxweyne Trump ayaa loolan adag kala kulmidoona madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka, Joe Biden oo sannadkaan ah musharaxa ka socda xisbiga dimuqraadiga .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here