Weerar Ka Dhacay Dalka Nigeria Oo Ay Askar Ku Dhinteen

0
282

Wararka ka imanaya waqooyi bari Nigeria ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 qof ay ku dhinteen ka dib markii mintidiin looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin IS ay weerar ku qaadeen kolanyo ay saarnaayeen saraakiil dowoladda ka tirsan oo ka soo baxay magaalada Monguno jimcihii shalay ahaa.

Inta badan dadka ay weerarkan waxyeeladda ka soo gaartay ayaa ahaa booliis iyo Militari ka tirsan kuwa Nigeria.

Faahfaahinta laga hayo weerarkan ayaa wali ah mid si aad ah u kooban maadaama khadka taleefoonada goobta ay wax ka dhaceen ay aad u liitaan.

Balse xubin ka tirsan koox abaabulan oo la shaqeeya militariga Nigeria ee la dagaalamaya kooxaha mintidiinta ayaa waxaa uu sheegay inay arkeen meydka 14 qof oo la geeyay isbataalka magaalada Monguno – .

Dadka dhintay ayaa waxaa kaa mid ahaa askar ka tirsan booliiska iyo militariga Nigeria.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay inay ku dhawaacmeen askar kale islamarkana ay mintidiinta weerarka soo qaaday ay gacanta ku dhigeen dhowr gaari.

Ilaa iyo imika xukuumadda Nigeria wali kama aysan hadlin weerarkani gaadmada ah ee lagu qaaday kolanyada saraakiisha dowladda.

 

Weerarkan ayaa dhacay xilli saraakiisha gobolka Borno ay booqanayeen goobtaasi si loo soo gabagabeeyo qorsha dib u dajin looga sameynayay dadka ay barakaciyeen dagaalada muddada sanooyiinka ah ka socday magaalada Baga.

Ilaa iyo imika ma cadda cidda fulisay weerarkan, balse dagaalyahnno lala xiriirinayo inay gacan saar la leeyihiin kooxda IS ayaa ka howlgala deegaanadaasi.

Muddada tobaneeyada sano ah ee ay kooxda Boko Haram iyo kooxo gacan saar la leh IS ee ka howlgala galbeedka Afrika ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30,000 oo qof, waxaana ku barakacay malaayiin qof oo ku nool dhowr dal oo galbeedka Afrika ku yaala.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa waxaa uu shaki galinayaa surgalnimada in si nabad ah ay deegaanadooda ugu laabtaan dadka ku barakacay dagaalada kooxaha mintidiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here