Ciidamada Kenya Oo Dad Hor Leh Ka Kaxeystay Ceelwaaq + Magacyada

0
244

Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in markale ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya, una qaabilsan argagixiso la dirirka ay dad hor leh ka wateen gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in illaa afar ruux ay ciidamadu ka kaxeysteen deegaanka Daaru-Salaam oo hoostaga magaalada Ceelwaaq.

Afarta ruux ee ay afduubteen ciidamada Kenya ayaa watay mootooyin ay kala dageen, xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa deegaanada Daaru-Salaam iyo Kuntun.

“Ragga ay kaxxeysteen Ciidamada Kenya Afar qof oo mootooyin watay ayay ahaayeen,waxaa ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa daaru-salaam iyo Kuntun, mootooyinkii waa ay ka qaateen waana ay wateen.: ayuu yiri qof kamid ah dadka ku nool deegaanka Daaru-Salaam oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Lama oga halka ay la’aadeen ciidamadu raggaasi oo magacyadoodu ay kala yihiin Cabdifitaax Xasan Nuur, Cabdullaahi Cali Dhicis, Cabdifitaax Diiriye Qorane iyo Maxamed Ibraahim Afeey.

Sidoo kale ehellada afartaasi qof ayaa haatan baadi goob wada, si ay u helaan raggaasi oo ahaa dhammaan shacab.

Si kastabaha ha’ahaatee dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dalka Kenya ay saddex ruux ka wateen duleedka degmada Ceelwaaq, kuwaas oo ay toogasho ku dileen, waxaana falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibad-baxyo ka dhacay magaalooyinka gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here