MuxuuRa’iisal Wasaarihii Cusbaa Ee Lubnaan Isna Isu Casilay?

0
278

Ra’iisul wasaarihii magacawnaa ee Lubnaan Mustafa Adib ayaa sheegay inuu ka tanaasulayo dowladii uu soo dhisi rabay isla sida oo kalena uu isna is casilay.

mudo labo bilood ah ayuu waday inuu qanciyo kooxaha dalkaasi isku haya si uu xukuumadda usoo dhiso, wuxuu se sheegay in uu is dhiibay. M

Mustafa Cadiib ayaa isku deyay in uu ku qanciyo dhamaan xisbiyada siyasadeed ee iska soo horjeedo inay kamid noqdan golahiisa wasiirrada. Waxaana la isku mari waayay cidda gacanta ku qabanaysa wasaaradda maaliyada, dadaal dheer oo toddobaadyo socday kadib Mr Adib ayaa ku guul darraystay

Xisbiyada shiicada matala ee Amal iyo hizbullah ayaa ku adkaystay inay soo magacaabi doonan cidda qaban doontoo xilalka wasaaradaha muhiimka sida maaliyadda iyo amniga taas oo aad u adkaysay wadahadalladii socday iyo fursadihii u bannaana ra’iisal wasaaraha magacaaban.

Beesha caalamka iyo faransiiska gaar ahaan, waxay cadaadis xooggan saarayeen xisbiyada siyaasadeed ee lubnaan iyagoo ku booriyay inay danahooda siyaasadeed gaar u dhigaan oo ay soo dhisaan xukuumad cusub.

Xukuumaddii uu hogaaminayay ra’iisal wasaare Xasan Diyaab ayaa is-casishay 10-kii August kadib markii uu dekadda caasimadda Beyrut ka dhacay qarax xooggan oo khasaaro badan dhaliyay.

Ugu yaraan 200 oo qof ayaa ku dhintay qaraxaasi ka dhashay 2,700 tan oo ah maaddada ammonium nitrate, taasoo si ka fiirsasho la’aan ah loogu keydiyay makhaasiin ku yaal dekadda, muddo ku dhawaad li sano ahayd.

Mustafe Adiib aya ahaa danjirihii hore ee u fadhiyey dalkaasi Jarmalka.

Lubnaan ayaa waxaa haysta dhaqaalo xumo baahsan, oo waxaa caydhoobay tobannaan kun oo qof. Arintaasi ayaa dhalisay dibedbaxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa qayb ka ahaa dedaallo Lubnaan looggu cadaadiyay inay keenaan isbedal wax ku ool ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here