FOCUSTirada Dadka Cudurka CORONAVIRUS Ugu Dhintay Dunida Oo Kor U Dhaaftay Hal Milyan

0
347

Tirada dadka adduunka ee u dhintay xanuunka Covid-19 ayaa dhaaftay hal milyan, sida ay soo tebiyeen cilmi-baadhayaashu , iyada oo gobollo badan weli laga soo sheegayo in tiradu sii kordheyso oo kiisas cusub la helayo.

Ururinta iyo kaydinta ay saamaysay Jaamacadda Johns Hopkins ee ku aaddan saamaynta fayraskan waxay muujineysaa in dadka ka dhintay Mareykanka, Brazil iyo Hindiya ay kala badh ka yihiin wadarta tiradaas guud ahaan.

Khubarada ayaana ka digaya in tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay intaad diwaangashan aad uga badan tahay.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa ku tilmaamay “xaalad xun” iyo “natiijo xanuun badan”.

“Haddana waa inaynaan waligeen indhaha ka qarsan guud ahaan waxa socda oo aan sii calool adaygnaa,” ayuu yidhi farriin muuqaal ah oo laga soo duubay.

“Waxay ahaayeen aabbayaal iyo hooyooyin, xaasaska iyo rag, walaalo, asxaab iyo shaqo wadaag. Waa xanuun daran waxa uu ina baday cudurkani”

Cudurkan faafa ayaa tan iyo markii uu bilaabmay ku baahay 188 dal iyadoo la xaqiijiyay in ka badan 32 milyan oo kiis. Bandawga iyo tallaabooyinka kale ee la isku dayayo in lagu joojiyo faafidda fayrasku waxay galaafteen dhaqaalihii adduunka oo galay xaalad hoobad ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here