“Waan Ka Bogsaday Xanuunkii COVID19…″ Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

0
644

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo muddo laba todobaad ah u jiifay xanuunka COVID19 oo asiibay, ayaa ka bugsaday, kaddib baadhitaan lagu sameeyey maanta.

Wasiirka oo tan iyo markii laga helay calaamadaha cudurka ku jiray xaalad baxnaano ah, ayey saraakiisha caafimaadku u xaqiijiyeen in uu ka buskaday cudurkaasi.

Wasiir Koore oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa xaqiijiyey in uu bogsaday “Alxamdulilah baadhitaan Caafimaad la igu sameeyey Galabta waxa la ii cadayeey inan ka bogsaday Xanuunka Covid-19. (Negative)”ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa tan iyo markii cudurka haleelay ka maqnaa shaqada wasaaradda iyo goobaha ay madaxdu ku kulmaan, sida xafiisyada Madaxtooyada iyo munaasibadaha dawladda.

Waa Wasiirkii afaraad ee uu soo rito xannuunka Covid19 tan iyo markii uu dalka ka dilaacay horaantii sanadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here