Israa’iil Iyo Lebanon Oo Ka Wadahadlaya Xaduuda Badda Ay Isku Heystaan

0
292

Waxaa maanta oo Arbaca ah markii ugu horreysay kulan fool ka fool ah yeelanaya Israa’iil iyo Lubnaan oo ka wadahadli doona xaduuda badda oo ay isku heystaan.

Murrankan xaduuda badda ee u dhaxeeya Lubnaan iyo Israa’iil ayaa soo socday tan iyo sannadkii 2011 kadib markii labadaasi dal ay Qaramada Midoobay wada geysteen khariirado iskhilaafsan.

Wadahadalkan waxaa soo diyaariyey dowlada Maraykanka oo dhex dhexaadineysa labada dhinac, wuxuuna kulankan ka dhacayaa tuulada Naqawra oo ku taal koonfurta Lubnaan, waxaana goobtaasi gacanta ku haya ciidamada Qaramada Midoobay.

Maraykanka ayaa sanadadii lasoo dhaafay waday dadaalkan xili Israa’iil iyo Lubnaan labaduba daneenayaan gaaska laga helay bariga badda Mediterranean-ka.

Lubnaan oo aan aqoonsaneyn Israel ayaa horey wadahadalka ugu xidhay sharuuda ah in wadahadalkaasi aanu ku koobnaan oo kaliya xaduuda badda balse sidoo kale ay qeyb ka noqotay dhulka ay isku heystaan labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here