Sirdoonka Soomaaliya, Itoobiya Iyo Eritrea Oo Ku Shiraya Addis-Ababa

0
306

Hoggaanka Sirdoonka dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku shir uga socdaa magaalada Adis-ababa ee magaalo madaxda dalka Itoobiya, sida loo xaqiijiyey warbaahinta.

Lama oga waxa uu khuseeyo kulanka illaa iyo haddana wax war ah kama soo bixin shirkan ay isugu yimaadeen hogaanada sirdoonka ee seddexdan dal.

Wuxuu kusoo aadayaa kadib markii madaxweyne Farmaajo toddobaadkii hore uu booqasho kadis ah ku tagay magaalada Asmara, isagoo halkaas kula kulmay madaxweyne Isaias Afwerki, waxaana safarkaasi shaki ka muujiyey siyaasiyiinta mucaaradka Soomaalida.

Dhanka kale madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagey magaalada Adis-ababa isagoo halkaas kula kulmay raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here