‘Aabahay Waxaa Indho Tiray Jeceylka Uu U Qabo Boqorka’

0
251

“Aabahay wuxuu ii sheegay in boqorka oo la dhaleeceeyo ay tahay arrin danbi ah oo kasoo horjeedo dhaqanka”

Danai oo haatan 19 jir ah wuxuu dhagaha ka fureystya baaqyada uu u jeedinayo aabihiis, waa ardey cilmiga sharciga ka barta jaamacad ku taalla Bangkok, wuxuu kamid yahay kumanaan ardey ah oo dibadbaxyo ka dhigaya caasimadda Thailand bil kasta, waxay codsanayaan in isbaddallo lagu sameeyo maamulka boqortooyada ee dalkaas.

Aabihiis Pakorn waa nin mar kasta safra, isku guri kuma noola isaga iyo wiilkiisa Danai, markasta oo ay kulmaan kama hadlaan hal arrin ah taas oo ah boqortoyada.

“Haddii aan soo hadal qaadno arrintaas khilaaf ayay inoo horseedi maalintii ismari waa ayuu kulankeena ku dhammaan” ayuu yiri Danai.

“Haddii aan aabahay mar ku dhex muranno gaariga gudihiisa kaddib markii aan dhaleeceeyo boqorka, aabahey wuu ka caroon hadalkaas, wuxuu igu oran waxaad tahay wiil yar oo ma fahmi kartid xaaladda, wuu aamusi kaddibna ilama hadlayo”

Muranka ka dhashay Online-ka

Qoysaska ku nool Thailand arrinta ku saabsan boqortooyada is ka fool fool ah ugama hadlaan balse waxay uga hadlaan baraha bulshada.

Xitaa mararka muranka wuxuu gaaraa heerkii ugu sarreeyay.

Markii mid kamid ah ardeyda wax ka dhigata jaamacadaha Thailand uu Faceook ku shaaciyay hadallo ka dhan ah boqortooyada, ardeygaas aabihiis wuxuu doonayay in uu maxkamad la tiigsado, wuxuu ardeyga go’aansaday in uusan mar kale adeegsadan magaca qoyskiisa maadama aabihiis uu u hanjabay.

Danai wuxuu markii ugu horreysay aabihiis kaga fikrad duwanaaday arrinta boqortooyada isaga oo 17 jir ah.

Pakorn wuxuu wiilkiisa Danai ku khasbayaa in uu istaago markii heesta calanka laga qaaday goob ay filin ka daawanayeen

Dhaqan taariikhi ah

Shacabka reer Thailand marka ay dhashaanba waxaa la baraa arrinta ku saabsan inay jeclaadaan boqorkooda, haddii aysan qaddarin boqorkana ay cawaaqib xumo la kulmi doonaan, waa sharci darro in aad dhaleeceyso boqorka ama dhaxal sugaha qofkii lagu helana arrintaasina wuxuu muteysan karaa 15 sano oo xarig ah.

Danai wuxuu diiday in uu istaago markii heesta calanka laga qaaday goob uu filin ka daawanayay.

Tan iyo bishii July, kumanaan ardey ah oo wax ka dhigtaa jaamacadaha Thailand ayaa dibadbaxyo ka dhigayay waddooyinka, waxay codsanayeen in la yareeyo awoodaha boqorka iyo maamulka dhaqaalaha. Thailand ma jirin cid si cad uga timaaddaa boqortooyada in la ogyahay taariikhda casriga ah.

Dibadbaxyada ay ardeyda dhigayaan waxay fajac ku reebeen dad badan oo reer Thailand ah oo ay kamid yihiin Danai iyo aabihiis Pakorn.

“Waxaan dhashay xilliggi boqor Rama IX, wax badan ayuu u qabtay shacabkiisa, marka uu xanuunsado, waxaan ku sigtaa in aan dunida isaga tego haddii xanuunkiisa uu kasii daro, sida jiilalkan oo uu wiilkeyga kamid yahay ma lahan khibraddaas” ayuu yiri aabihiis.

Boqorka cusub

Da' yar reer Thailand ah oo dibadbaxyo dhigaya

Isku dhaca iyo khilaafka ka dhex taagan jiilkan ayaa ah mid aan lag fakarin sanado hore oo lasoo dhaafay, balse caleemo saarka boqorka cusub ee Maha Vajiralongkorn ayaa xaaladda wax kasta ka baddalay.

Boqorka cusub inta badan laguma arko goobaha dadweynaha, wakhtigiisa inta badan wuxuu ku qaataa Jarmalka- xitaa wixii ka horreeyay safmarka Corona wuxuu ku noolaa halkaas.

Waxay su’aal ka taagan tahay go’aankiisa ku aadan arrinta ah in uu amar siiyo dhammaan ciidamada militariga ee ku sugan Bangkok.

Boqorkan cusub wuxuu ku noolyahay nolol gaar ahaa, waxaana la sheegay in xitaa uu guursaday afar xaas ah.

Boqorkii hore ee Rama IX, wuxuu ahaa mid ay si weyn u qaddarin jiray shacabka, aabaha dhalay Danai wuxuu labo jeer arkay boqorkaas.

“Mar waxaa jirtay aan arkay isaga oo kaxeynayo baabuurkiisa, mana jirin gawaari ama motooyin ilaalinayay, waan yaabay, wuxuu ahaa qof sida dadka kale si caadi ah nolol maalmeedkiisa u qabsada”

Su’aasha ku saabsan wixii tagey

Balse Danai ma fahmayo dareenka uu qabo aabihiis “Aabahay waxaa indho tiray jeceylka uu u qabo boqortooyada, in badan oo aad kala hadasho arrintani waxay lamid tahay sida adiga oo la hadlayo gidaar, ma doonayo in uu wax kaa dhageysto”

Xiriirkeena ayaa sii xumaaday maadama aan ku kala aragti duwanahay boqortooyada- waana arrin astaan u ah kala qeybsanaanta jiilashan.

Tan iyo markii dibadbaxyada ay ka bilowdeen Thailand, qoysaska ayaa si weyn uga kala aragti duwan arrintani, xitaa waxaan isla hadli qaar kamid ah dadka kasoo kala jeeda hal qoys.

Da’yarta reer Thailand waxay su’aal gelinayaa boqortooyada, waxay arrintani ka dhigan tahay in uu bilowday dhaqdhaqaaq gudaha oo wakhti dheer qaadan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here