Buug Uu Qoray Shakespeare Oo Lagu iibiyey 10 Malyan Oo Doolar

0
226
Nuqul ka mid ah buuggi ugu horreeyey uu qoray qoraagi weynaa ee reer Britain Shakespeare oo lagu soo bandhigay magaalada New York ayaa lagu iibiyey 9.98 malyan oo doolar.

Buuggan ayaa la daabacay 1623-kii toddoba sano kaddib dhimashada Bard, waxaana lagu soo uruuriyey ruwaayadahiisa.

235 nuqul oo ka mid ah buuggaasi ayaa la sheegay in mela kala duwan laga helo balse nuqulka dhammeystiran uu gacanta ugu jiraa cid gaar ah.

Buuggan oo Arbacadi la iibiyey ayaa noqonaya nuqul dhammeystiran oo qiima intaa le’eg lagu iibiyo tani iyo 2001-dii, iyada buuggi kan ka horreeyey lagu iibiyey 6.1 malyan oo doolar.

Waxaana buugga iibisay kulliyadda Mills ee ku taallo Oakland, California oo ah kulliyad gaar loo leeyahay oo buuggaasi tani iyo 1960-kii gacanta ku haysay. Balse cidda buugaasi iibsatay markiba lama ogaan.

Suuqa xaraajka ee Christie qiimaha buuggaasi lagu iibin karo marki hore wuxuu ku qayaasay 4 malyan ilaa iyo 6 malyan oo doolar.

Buuggan ugu horreeyey uu qoray Shakespeare ee 10-ka malyan oo doolar lagu iibiyey waxaa lagu soo uruuriyey 36 ka mid ah ruwaayadahiisi ugu caansanaa.

235-ka nuqul ee buuggaasi ee la sheego iney meel kala duwan yaalliin dhammaantood waa qabya oo ma dhammeystirna.

Mid ka mid ah nuqulladaasi oo ay lahayd Jaamacadda Oxford waxaa 2003-dii lagu iibiyey 3.5 malyan oo doolar. Shan ilaa iyo Lix nuqul oo kale oo dhammeystiranna waxaa la rumeysan yahay iney weli gacmo shaqsiyaad ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here