Maalmihi U Dambeeyey Gobolka Helmand Wuxuu Dagaal Culus Ku Dhex Marayaa Ururka Taalibaan Iyo Dowladda Afghansitan

0
229

Labada diyaaradood ee isku dhacay oo ay lahaayeen ciidamada Afghanistan waxay sideen ciidamo ku dhaawacmay dagaalka ka socda Koonfurta gobolka Helmand waxaana ku dhintay ugu yaraan 9 qof.

Dadka shilkaasi diyaaradeed ku dhintay waxaa ka mid ah askar ka tirsan ciidamada cirka Afghanistaan ee aadka u tababaran.

Shilkaasi oo Arabacadi gelinka hore ka dhacay degmada Nawa ayaa la sheegay iney sababatay cillad farasamo.

Deegaanka ay diyaaraduhu isku duqeeyeen maalmihi u dambeeyey waxaa ka socday dagaal culus oo u dhaxeeya ururka Taalibaan iyo ciidmada dowladda Afghanistaan oo gacan ka helaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Taalibaaniyiinta ayaa ka dagaallamaya deegaanno ku dhow magaalada Lashkar Gah oo horay uga soo qabsadeen hal degmo.

Dad rayad ah iyo qoysas carruur sita oo guriyahooda ka barakacay, ayaa magaalooyinka soo gaaray, iyada oo ay hay’adaha samafalka ay sheegeen iney qaar badan oo dadkaasi soo barakacay ka mid ah ay waddooyinka jiifaan oo ay hoy haysan.

Qaramada midoobay xafiiskeeda Afghanistaan wuxuu sheegay gobolka Helmand ee ay dagaalladu ka socdaan iney dad ka badan 35,000 ay ku barakaceen.

Wasiirka gashaandhigga Afghanistaan ayaa gobolka Helmand u safray si uu u soo indha indheeyo xaaladda amni ee gobolkaasi.

Dagaalkan maalmihi u dambeeyey ka socda gobolka Helmand ayaa ah kii ugu adkaa ee dhaca, maalma xirir ahna socda tani iyo marki ay wadahadallada nabadeed ee ay bishii hore ka billowdeen Qatar ayuu yiri wariyaha BBC Secunder Kermani.

Wadahadallada ayaa marayey heerarki ugu dambeeyey oo lagu doonayey in lagu dhammeystiro xeerar iyo hab raacyo lagu maamulo wadahadallada, balse dhinacyada wadahadallaasi labada dhinac ku matala ayaan is afgarasho weli ka gaarin arrima ay ka mid yihiin xabbad joojinta iyo awood qaybsiga suuragal noqon kara.

Horraanti toddobaadkan madaxa ciidamada Nato ee ku sugan Afghanistaan, General Scott, wuxuu ururka Taalibaan ku eedeeyey iney wiiqayaan wadahadalladi nabadeed ayna jabinayaan heshiiski bishi Fabraayo ay la saxeexdeen Mareykanka.

Qayba badan oo ka mid ah Gobolka Helmand iyo Kandahaar oo deris la ah waxaa la soo dersay koronto la’aan kaddib marki uu ururka Talibaan uu Isniinti weerar ku qaaday xaruun ay gobolladaasi korontada ka helayeen.

Khadka isgaarsiinta ayaa sida oo kale gobolladaasi ka maqan.

Shacab ka qaxay dagaallada u dhaxeeya ururka Taalibaan iyo Dowladda Afghansitan

Qoys ka mid ah dadka dagaalkaasi ku soo barakacay oo BBC u warramay ayaa sheegay gurigooda iney uga soo baxeen dharka ay xiran yihiin oo keli ah ayna garaneyn halka ay ka helayaan meel ammaan ah oo dhinaca dhigaan.

Qaar kalana waxay sheegeen cabsida ugu weyn ee ay qabaan iney tahay gaajo iney u dhintaan, halka shaqaalaha isbitaal maxalli ah ka shaqeeyana ay sheegeen tira dad ah oo dagaallada ku dhaawacmay iney isbitaallada soo gaareen.

Wadahadalladi nabadeed ee taariikhiga ahaa waxay billowdeen 12-ka bisha December, xilligaasi oo ku beegneed maalin kaddib sanad guuradi 19-aad ee ka soo wareegtay weerarki 9/11 ee uruka Alqaacida uu Mareykanka ka fuliyey oo sababay iney ciidamada Mareykanaka gudaha Afghanistaan howl gallo ka billaabaan.

Waxayna ahayd marki ugu horreysay oo madaxada dalka Afghanistaan ay la fadhiistaan hoggaanka ururka Taalibaan.

Wariyaha BBC uga soo warrama Afghanistaan wuxuu sheegay dagaalka uu ururka Taalibaan hadda oo qaaday iney ka dhalaneyso su’aal ah ka go’naashahooda miiska wadaxaajoodka iney yimaaddaan.

Taalibaan wuxuu sheegey iney dib u qabsanayaan oo keli goobihi ay mar ka talin jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here