Kooxo Hubeysan Oo Xuseen Sandheere Ku Toogtay Magaalada Muqdisho

0
280

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho xalay magaalada Muqdisho loogu geystay nin da’ ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka ee  ku nool degmada Dayniile.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xuseen Sheekh Muxumad (Sandheer), sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysanaa bistoolado ay ku toogteen xaafadda Kurdamac oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga la dilay Xuseen Sandheere uu Weysa-qaadanayey, islamarkaana uu ku sugnaa Garaash uu ku leeyahay degmadaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meedha ay waxa ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta loo dilay marxuumka, mana jiro weli wax hadal ah oo ay saraaakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen dhacdadaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here