Trump Oo Masar Ugu Baaqay Inay Burburiso Biyo-xidheenka Ethiopia

0
250

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa carro xooggan u muujiyey Ethiopia, Jimcihii, sababo la xiriira biyo-xireenka ay ka sameyneyso Webiga Nile, wuxuuna soo jeediyey in Masar ay burburin doonto.

Trump ayaa hadalkan sheegay isaga oo ku dhowaaqayey heshiis ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sudan, oo sidoo kale cabsi xooggan ka qabta in biyo-xireenkaas uu yareyn doono biyaha ay ka hesho webiga.

“Waa xaalad aad halis u ah, sababtoo ah Masar uma dulqaadan doonto,” ayuu Trump weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad, ayada oo taleefonkana ay ku jiraan hogaamiyayaasha Israel iyo Sudan.

“Way burburin doonaan, waana sheegay, si cadna waan u sheegayaa – Masar way burburin doontaa biyo-xireenkaas. Waana inay wax ka qabtaan,” ayuu yiri Trump.

“Waxay ahayd inay ka hortagaan ka hor inta aan la billaabin [dhismaha biyo-xireenka],” ayuu yiri Trump oo shalayto ka muujiyey in Masar uu qalaalse ka jiray markii la billaabay dhismaha biyo-xireenka sanadkii 2011, xilligaas oo la riday dowladdii Masar ee Mubarak.

Trump – oo xulufo dhow la ah madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi – ayaa ogolaaday codsiga Qaahira si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada, ayada oo wada-hadallada uu hogaaminayey xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa bishii September sheegtay inay jareyso kaalmada ay siiso Ethiopia, sababo la xiriira in Addis Ababa ay billowday buuxinta biyo-xireenka.

“Heshiis ayaan dhex dhigay, kadibna nasiib-darro Ethiopia ayaa jebisay heshiiska, taasi oo ay ahayd inaysan marnaba sameyn. Taasi qalad weyn ayey aheyd,” ayuu yiri Trump.

“Marnaba ma arki doonaan lacagtaas [kaalmada Mareykanka] illaa ay u hoggaansamaan heshiiska,” ayuu yiri.

Ethiopia weli kama aysan jawaabin hadalka kasoo yeeray Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here