Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Maanta Golihiisa Wasiirada Horgeynaya Baarlamanka Soomaaliya

0
297

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa saacadaha soo socda ee maanta la filayaa in golihiisa wasiirada cusub uu horgeeyo xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo goor dhow ka furmi doono xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa waxaa lagu war-geliyey dhamaan xildhibaanada inay soo xaadiraan, si ay cod ugu qaadaan meel marinta xukuumadda cusub oo ay u taallo shaqo adag oo ay ugu horreyso doorashada.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa golaha ka codsan doono inay codkooda siiyaan wasiirada cusub, kadibna wuxuu u caddeyn doonaa tallaabada ugu horreysa ee uu qaadayo.

Golaha wasiirada oo lagu dhowaaqay todobaadkii la soo dhaafay ayaa isugu jira qaar ka mid ah golihii wasiirada xukuumaddii ra’iisul wasaare Khayre iyo kuwa cusub.

Sidoo kale waxaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka socday kulamo taageero loogu raadinayey xukuumada cusub ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo sidii ay u heli laheyd codka kalsoonida.

Dhowaan madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale baarlamaanka federaalka ugu baaqay inay codkooda ku taageeraan xukuumadda, si ay gudato waajibaadka hor yaalla.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyo doorashooyin, iyadoo lagu soo dhoweynayo waqtiga loo qorsheeyey in la qabto oo ay horey heshiis uga gaareen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here