Cabdi Fataax El-Sisi: Haddii Nabiga La Aflagaaddeeyo Xurriyad Hadal Ma Jirto

0
544
Carada laga muujinayay hadalladii meel ka dhaca ku ahaa Nabi Muxammad NNKH ee uu jeediyay madaxweynaha Faransiiska ayaa cirka isku shareereysay isbuucan. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Muslimiinta ayaa ka mid ah malaayiinta qof ee ka fal celiyay arrintaas.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdi Fataax El-Sisi ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan mowduucaas, isagoo sheegay in hadal lagu weerarayo Nabiga uusan wax qiil ah lahayn.

“Xurriyadda hadalka way ka baxeysaa meesha markii markii Nabi Muxammad la caayo”, ayuu yidhi madaxweyne El-Sisi.

Isagoo ka jawaabaya sawirrada kartoonka ah ee uu wargeyska Charlie Hebdo ku aflagaaddeeyay nabiga NNKH ayuu El-Sisi sheegay in aan loo dul qaadan karin wax dhibaato u geysanaya dareenka dad tiradoodu gaareyso hal bilyan iyo badh.

Madaxweynaha Masaarida ayaa hoosta ka xariiqay inuu gabi ahaanba kasoo hor jeedo “qalalaase kasta oo loo sameeyo iyadoo lagu difaacayo arrimo diimeed ama astaamo muujinaya caqiido gaar ah.”

Dr Zakir Naik, oo ka mid ah shaksiyaadka ugu caansan bulshada muslimiinta dhexdeeda ayaa talooyin u jeediyay dadka sawirrada ku qeexaya Nabiga NNKH iyo waliba kuwa muslimiinta ah ee ka fal-celinaya labadaba.

“Waxaan leeyahay dadka kartoonka ka sameynaya Nabiga NNKH, maxaad taas baddalkeeda si daacadnimo ku jirto dood ula gali la’dihiin Islaamka?”

“Muslimiinta qalalaasaha ku fal-celinayana waxaan leeyahay, maxaad canbaareynta loo jeedinayo Islaamka uga jawaabi la’dihiin sababo iyo xikmad?”

Madaxda dalalka Islaamka ee sida degdegga ah gaashaanka ugu daruuray hadalkii Mr Macron waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Imran Khan.

Qoraallo isdaba joog ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku qeexay sida uu uga soo horjeedo hadallada ka dhanka ah muslimiinta iyo aflagaaddada Nabi Muxammad NNKH.

“Dhiirrigalinta uu Madaxweyne Macron siinayo sawirrada kartoonka ah ee lagu aflagaaddeynayo nabiga NNKH iyo diinta Islaamka isagoo aan waxba ka fahansaneyn arrintaas, wuxuu ku weeraray kuna dhibaateeyay dareenka malaayiin muslimiin ah oo ku nool Yurub iyo caalamka intiisa kale”, ayuu soo qoray Ra’iisul Wasaare Khan.

 

Dhanka kale, shirkadda Twitter-ka ayaa masaxday qoraallo uu soo galiyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia, Mahatiir Maxamed, kuwaasoo ay ku sheegeen inay “dhiirrigalinayeen qalalaase iyo dil.”

Tallaabada lagu masaxay qoraalka Mahatiir ayaa timid kaddib markii dad badan ay ka dacwoodeen hadallo uu siyaasigaas ku sheegay halkaas oo ku talinayay in dadka Muslimiinta ah ay aargoosi ahaan u dilaan malaayiin qof oo Faransiis ah.

Madaxweynaha Iiran Xasan Rouhani ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha sida kulul uga jawaabay hadalkii carada abuuray ee kasoo yeeray madaxweyne Macron.

 

Madaxweynaha Iiraan Xasan Rouhani

“Reer Galbeedku waa inay fahmaan Nabiga wanaagsan ee Muslimiinta inay jecel yihiin dhammaan dadka muslimka ah iyo waliba dadka xornimada jecel ee caalamka,” ayuu yidhi Rouhani.

“In la caayo nabiga waxay la mid tahay in la caayay dhammaan muslimiinta. Haddii nabiga la caayo waxaa la caayay dhammaan nabiyada, qiimaha bani’aadanka iyo shuruucda oo dhan.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo sida ugu adag uga jawaabay hadalkii madaxweynaha Faransiiska ayaa su’aal galiyay in Mr Macron uu caafimaadkiisa dhinaca maxkaxda wanaagsan yahay.

Wuxuu Erdogan ku baaqay in dhammaan waddamada Muslimiinta ah ay xayiraad kusoo rogaan badeecooyinka Faransiiska.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan

Dalka Faransiiska waxaa Khamiistii ka dhacay weerar loo adeegsaday Toori oo lagu dilay saddex ruux.

Nin u dhashay dalka Tunisia oo sitay toorreey, kuna dhawaaqayay “Allahu Akbar” ayaa haweeney ku gowracay labo qof oo kalena ku dilay gudaha kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, kahor inta aysan isagana toogan kaddibna kaxeynin booliiska.

Sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday qunsuliyadda uu Faransiiska ku leeyahay magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.

Qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa muujiyay taageero ay la garab taagan yihiin Faransiiska, iyagoo canbaareeyay weerarrada lala beegsaday.

Dowladda Qadar ayaa dhankeeda soo saartay bayaan ay ku canbaareyneyso weerarkii toorrida loo adeegsaday iyo kii ka dhacay qunsuliyadda Faransiiska ee magaalada Jiddah.

“Xukuumadda Dooxa waxay cusbooneysiineysaa mowqifkeeda ku aaddan sida ay uga soo horjeeddo qalalaasaha iyo argagaixisanimada iyadoo aan eegeynin sababta loo sameynayo falalkaas,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Hindiya ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay si buuxda u garab taagan tahay Faransiiska.

Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi (bidix) iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron

Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu si adag u canbaareynayo weerarradii argagixiso ee dhawaan ka dhacay Faransiiska.

Qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu Mr Modi ku yidhi: “Waxaan si xoog badan u canbaareynayaa weerarradii argagixiso ee laga geystay Faransiiska, oo uu ka mid yahay kii ugu dambeeyay ee foosha xumaa ee ka dhacay gudaha kaniisadda ku taalla Nice.”

Hindiya waa waddanka labaad ee ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here