Laba Xubnood Oo Loo Haystay Weerarki Westgate Ayey Maxkamad Xukun Ku Ridday

0
324

Garsoore ku sugan dalka Kenya ayaa xukun 18 sano iyo 33 sano oo xarig ah ku riday laba qof oo ku eedeysnaa iney gacan siiyeen kooxa islaamiyiin hubeysan oo 2013-ki weerar ku qaaday dhismaha ganacsiga ee Wastgate ee laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Nairbi.

Weerarka ay koox hubeysneyd oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku qaadeen suuqa Westgate ee ku yaalla bartmaha magaalada Nairobi waxaa ku dhintay 67 qof.

Dowladda Kenya xilliga weerarkaasi la soo afjarayna waxay sheegtay 4 ka mid ah dableydii weerarka soo qaadday in halkaasi lagu dilay.

Dableyda weerarka soo qaadday ayaa dhismaha ganacsiga ee Wastgate haysatay afar maalmood, weerarkaasi oo lagu sheegay inuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee Kenya ka dhaca.

Xukunkan ay maxkamaddu ridday ayaa ahaa kii ugu horreeyey oo ay maxkamad ka soo saarto weerarka Westgate.

Eedeysanayaasha oo seddex toddobaad ka hor dambiga lagu helay, maxkamadda dacwadda qaadeysay waxay sii deysay Liibaan C/llaahi Cumar oo wax dambi ah lagu wayey

Ururka al-shabab oo xiriir la leh ururka al-Qaacida oo Soomaaliya fadhigisu yahay ayaa dalka Kenya ka fuliya weerarro qorsheysan, iyada oo ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin gudaha Soomliya si ay ula dagaallamaan ururka Al-shabaab.

Maxay ahaayeen shaqsiyaadka xukunka lagu riday?

Maxamed Axmed Cabdi oo lagu xukumay 33 sano, iyo Xuseen Xasan Mustafa oo lagu xukumay 18 sano waxaa lagu soo eedeeyey qorsheynta, fulinta fal argagixiso iyo iney koox argagixisa ah ay gacan siiyeen.

Xuseen Xasan Mustafa (bidix), Maxamed Axmed Cabdi (Midig) iyo Liibaan Cabdullaahi Cumar (Dhexda)

Xubinka seddexaad ee dacwadda kula jiray Liibana C/llaahi Cumar marki dambi lagu waayey ayey maxkamaddu si daysay. Ninkan dambiga lagu waayey oo ahaa qoxooti reer Soomaaliya ah dambiga kale ee lagu soo oogay oo ahaa inuu sharci darra uu ku joogay Kenya uuna adeegsanayo dokumati been abuur ahna sida oo kale waa lagu waayey.

Dad sii deyntiisa goob joog u ahaa waxay sheegeen marki xubinkan seddexaad dambi lagu waayey oo la sii daayey, rag hubeysan iney taxigi uu saarnaa ay joojiyeen kaddibna ay kaxeysteen, wixi intaa ka dambeeyeyna aan la arag.

Westgate maxaa ka dhacay?

Galabnimo Sabti ah oo ku beegneed September 2013-ka dabley hubeysan ayaa dhismaha ganacsiga ee Wastgate gudaha u galy isla-markaana billaabay dadki halkaasi ka dukaameysanayey iney rasaas oodda kaga qaadaan iyaga oo dhismahaasi afar maalmood gacanta ku hayey.

“Dadku wey argagaxsanaayeen, carruurtana wey ooyayeen,” ayuu yiri Surajit Borkakyoty oo ka mid ahaa dadki weerarkaasi ka badbaaday oo BBC u warramay.

“Waxaan isku dayeynay iney dadku isdajiyaan, waxaanna u sheegeynay iney taleefannadooda isticmaalin oo ay aamusnaadaan. Marweliba dhawaaqa rasaasta ayaan maqleynay. Goob dagaal oo kale ayey xaaladdu ahayd.”

Baahinta talafishiinnada tooska ah ayaa laga dheehanayey qiiq madow oo ka baxaya dusha sare ee dhismaha ganacsiga ee Wastgate, iyada oo ay dhisamahana isku hareereeyeen gaadiidka booliska iyo militariga, tira dad ah oo wajiyadooda argagax iyo cabsi laga akhrisanayana oo dhismahaasi laga soo badbaadinayo.

Afar maalmood kaddib marki howlgalka weerarkaasi uu soo gabagaboobay waxay dowladdu sheegtay iney weerarkaasi ku dhinteen 71 qof oo isugu jiray 62 qof oo rayad ah, 5 ciidamada ammaanka iyo 4 ka mid ah dableydii weerarkaasi fulisay.

Ururuka Al-Shabaab wuxuu sheegay inuu weerarkaasi qaaday jawaabna uu uga dhigayo howlgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan Soomaaliya.

Dowladdu waxay horay u sheegtay ragga weerarka soo qaaday iney tiradoodu ahayd 10, balse marki dambe tirada ay dowladdu ka dhigtay 4 qof, dhammaantoodna halkaasi lagu dilay.

Hase yeeshee dowladdu baadhitaannadi ay sameysay faahfaahin intaa ka dheer kama soo bixin.

Casharro ma laga bartay weerarkaa?

Xifaaltanka u dhaxeeya booliska iyo militariga ayaa hadda ka hor lagu sheegayey iney sabab u ahayd in weerarkaasi si degdeg ah lagu soo afjari waayo ama jawaabta ku habboon looga bixin waayo.

Balse wixii weerarkaasi ka dambeeyey booliska iyo milatariga waxay leeyihiin iskaashi wanaagsan, ayuu yiri wariyaha BBC u soo warrama.

Iskaashigaasi waxay keentay in weerarki lagu qaaday dhismaha Huteelka DusitD2 bishi January 2019, oo ay 21 qof ku dhinteen in degdeg lagu soo afjaro.

Unugyada ka hortagga argagixisada ee booliska iyo militariga, sirdoonka waddamada ajaanibta, gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo kooxaha dab damiska oo iskaashaday waxay suuragelisay in weerarkaasi muddo gaaban lagu soo afjaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here