Ganacsato Soomaali Ah Oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika + Magacyada

0
313

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaali ah dil & dhaawac loogu geystay dalkaasi.

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen goobo ganacsi oo ay Soomaali ku leedahay deegaanka Cosmos oo ka tirsan Johannesburg.

Burcadda hubeysan oo goobta isaga baxsatay ayaa halkaasi ku dilay labo muwaadin oo Soomaali ah, sida ay xaqiijiyeen ganacsatada kale ee ku sugan halkaasi.

Labada Marxuum ayaa waxaa magacyadooda lagu soo koobay Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyada oo ka wada shaqeynayey dukaanka lagu weeraray.

Sidoo kale burcadda ayaa isla deegaankan dhaawac halis ah ugu geystay ganacsade kale oo Soomaaliyeed, kaas oo loo cararay isbitaalka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ee dalka Koonfur Afrika ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay u soo qabteen weerarkaasi.

Inta badan Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa dil, dhaawac iyo boob hantiyeed kala kulma kooxo burcad oo ah ku sugan gudaha wadankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here