Muuqaal Laga Duubay “Askarta Armenia Oo Lagu Dilay” Xadka Azerbaijan

0
328

Muuqaallo ay suuragal tahay inay caddeyn u yihiin dambi dagaal ayaa lagu shaaciyay baraha bulshada xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka socda gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh, kaasoo u dhaxeeya ciidamada Azerbaijan iyo dad asal ahaan kasoo jeeda Armenia.

Mid ka mid ah muuqaallada oo lagu faafiyay baraha farriimaha la isugu diro ayaa laga arkayaa labo qof oo reer Armenia ah oo iyagoo ku labisan dharka milatariga ay gacanta ku dhigeen ciidamada Azerbaijan.

Muuqaal labaad ayaa laga soo duubay dad u muuqda isla labadii qof ee reer Armenia oo la tooganayo iyagoo gacmahooda ay gadaal u xiran yihiin.

Mas’uuliyiinta waddanka Armenia ayaa raggaas ku qeexay Benik Hakobyan, oo 73 jir ah iyo Yuri Adamyan, oo 25 jir ah.

Hase yeeshee Azerbaijan ayaa muuqaalladaas ku tilmaantay kuwo been abuur ah.

Hay’adda ilaalisa xuquuqda aadanaha ee ugu sarreysa Yurub ayaa sheegtay inay heshay muuqaalka ayna baadhitaan ku sameyn doonto dhammaan eedeymaha ku saabsan tacaddiga.

Dagaalka ayaa 27-kii bishii September ka qarxay gobolka Caucasus, oo caalami ahaan loo aqoonsan yahay inuu qeyb ka yahay Azerbaijan balse ay maamusho dowladda Armenia.

Isku dhacyada ayaa si deg deg ah u noqday dagaal baaxad weyn leh, kaasoo magaalooyinka qaar si aan kala sooc lahayn loo duqeynayay, waxaana soo baxay warar sheegaya in la adeegsaday hub mamnuuc ah.

Xabbad joojin ayaa lagu dhawaaqay 10-kii October, haddana mar kale ayaa lagu dhawaaqay 18-kii October, laakiin weerarrada ayaa iska sii socday.

Kumannaan qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen halkaas, madaafiicdana waxay dileen shacab kasoo kala jeeda Armenia iyo Azerbaijan labadaba. Tobannaan kun oo ruux ayaa ka barakacay guryahooda.

Digniin: Sheekadan waxaa ku jira sawirro aad dhibsan karto

Maxaa xaqiiqo ah, maxaa been abuur ah?

A view shows the aftermath of recent shelling during the ongoing fighting between Armenia and Azerbaijan over the breakaway Nagorno-Karabakh region, in the disputed region's main city of Stepanakert

Labada dhinacba waxay soo bandhigeen muuqaallo iyo sawirro muujinaya maxaabiis dagaal oo ay kala qabsadeen iyo meydadka askarta kasoo horjeedda.

BBC-da ayaa daraasad ku sameysay muuqaallo badan oo ay dhinacyada dagaallamaya ku faafiyeen baraha bulshada, kuwaasoo lagu sheegayay in maxaabiis la dhibaateeyay ama la dilay.

Laakiin labo muuqaal oo kaliya ayaa la xaqiijiyay waxa ay yihiin.

Muuqaal gaaban oo si weyn u dhex wareegaya kanaallada Telegram-ka ayaa lagu muujinayaa wax lagu qeexay maxbuus dagaal oo u dhashay Azerbaijan oo ay dileen ciidamada Armenia. Laakiin sida runta ah muuqaalkaasi waa mid laga soo duubay waddanka Ruushka oo markii ugu horreysay baraha bulsahada soo galay sanadkii 2013-kii.

Muuqaallada kale ma laha wax caddeyn ah oo lagu xaqiijin karo inay run yihiin ama been abuur yihiin.

Labada muuqaal ee ay BBC-da waxaa isbuucii lasoo dhaafay Telegram-ka soo galiyay qolyo taageersan Azerbaijan oo ku hadla luuqadda Ruushka. Ma aysan dooneynin in cidda ay yihiin la fahmo.

Maxaa ka dhacaya muuqaalka dhexdiisa?

Muuqalaka hore wuxuu u egyahay mid laga soo duubay ragga u dhashay Armenia ee lagu kala magacaabo Benik Hakobyan iyo Yuri Adamyan oo maxaabiis ahaan loo qabanayo.

Sawir laga jaray muuqaal lasoo galiyay baraha bulshada oo muujinaya labo qof oo Armenia u dhashay oo lagu qabtay magaalada Hadrut

Muuqaalka gudhiisa, qof ku hadlaya luuqadda Ruushka oo lahjadda Azerbaijan ah ayaa ku amray labada nin inay horay usoo socdaan, hubkoodabna iska soo wareejiyaan kaddibna gacmaha kor u taagaan. Markaas kaddib ayuu askartii kale kula hadlay luuqadda Azerbaijan isagoo u sheegay inaysan waxyeello u geysanin maxaabiista.

Maxbuuska yar, Yuri Adamyan, ayaa iska bixiyay koofiyad madaxa ugu jirtay ka hor inta uusan gacmaha kor u taagain.

Inkastoo ninka da’da weyn, Benik Hakobyan, uu xirnaa jaakadda milatariga, ma cadda inuu askari yahay iyo in kale. Dhulka ayaa la dhigay waxaana la maqlayay taah u muuqday inuu xanuun ka keenayay.

Muuqaalka hore waxaa daba socday muuqaal kale oo laga arkayay isla labadii nin oo la dilayo. Maxaabiista ayaa u muuqday inay gacmaha gadaal uga xirnaayeen.

Muuqaalladan waxaa lagu tilmaamay been abuur

BBC-da ayaa xaqiijiyay in ninka amarka ku bixinaya labada muuqaal uu yahay qof u dhashay Azerbaijan oo ku hadlaya lahjad goboleed.

Maxaabiista ka muuqday muuqaalka hore ayaa la fahmayaa inay isla iyaga yihiin kuwa ku jira muqaalka labaad maadaama ay qabaan isla dharkii uun.

Wasiirka gaashaandhigga ee Azerbaijan ayaa si deg deg ah u beeniyay inay dadkaas ahaayeen askar wuxuuna muuqaalladaas ku tilmaamay kuwo la soo dhoodhoobay. Labada muuqaalka waa la masaxay durbadiiba.

Maalintii xigtay, dacwad oogaha guud ee Azerbaijan ayaa sheegay in baaritaan la sameeyay lagu soo gabagabeeyay in muuqaalladaas ay yihiin been abuur.

Muuqaalladu ma yihiin macquul?

BBC-da ayaa u kuur gashay labada muuqaal, waxayna xaqiijisay in lagu soo duubay magaalada Hadrut, oo ah meesha uu ka socdo dagaalka culus.

Waxay magaaladan ku taallaa dhinaca koonfureed ee gobolka Nagorno-Karabakh, waxayna u dhowdahay magaalada Fuzuli.

Waxay aad ugu badan tahay in muuqaalladaas la duubay intii u dhaxeysay 9-kii ilaa 15-kii October. Azerbaijan ayaa ku dhawaaqday in Hadrut ay la wareegeen 9-kii October, inkastoo markii dambe ay soo baxeen warar sheegaya inay magaalada ka joogeen meelo kore oo muhiim ah, haddana dagaalka wali wuu kasii socday magaaladaas ilaa 12-kii October.

Muuqaalka hore wuxuu muujinayaa milatariga Azerbaijan oo ku sugan bartamaha magaalada, waxaana la arkay 15-ki October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here