‘Codbixiyayaasha Geeriyooday’ Balse Haddana Ka Codeeyay Doorashada Mareykanka

0
282

Taageerayaasha Donald Trump ayaa ku andacooday in kumannaan codad ah laga dhiibtay doorashada Mareykanka iyada oo la adeegsanayo magacyo ay lahaayeen dad dhintay.

“Waxaan ahay 72 jir,” Maria Arredondo oo reer Michigan ah ayaa noo sheegtay markii aan wacnay. “Laakiin waan noolahay waana aan neefsanayaa. Maskaxdayduna si fiican ayey u shaqeyneysaa waana caafimaad qabaa.”

Maria waxay sheegtay inay u codeysay Joe Biden ayna la yaabtay markii ay maqashay in magaceeda uu ka muuqday liiska dadka loo malaynayo in ay dhinteen ee gobolkaasi deggan.

Waxaan la hadalnay dadka kale ee xaaladaha la midka ah tan Maria ee ku sugan Michigan waxaanan ka helnay sheekooyin la mid ah teedan.

Waxaa jiray marar hore doorashooyinka Mareykanka dad dhintay oo sida muuqata la sheegay in ay codeeyeen.

Tani waxay ka dhici kartaa khaladaadka baadiriyada ama laga yaabee xubnaha isku qoyska ah ee leh magacyada isku midka ah, laakiin taageerayaasha Trump waxay ku andacoonayaan in tani ay si weyn ugu dhacday doorashadan.

Waxaan u amba-baxnay si aan u ogaanno haddii ay jiraan caddaynta sheegashadan.

10,000 ‘ oo qof oo dhintay ayaa ka codeeyey Michigan, maxaa ka jira?

Sheekadu waxay ka bilaabmaysaa liiska ku dhowaad 10,000 oo magac oo uu soo dhigay barta Twitter-ka qof u ololeeya Trump.

A tweet by an account called Essential Fleccas: Here's a list of 10,000 people that are confirmed deceased (cross referenced with Social Security Death Index) that requested and returned absentee ballots in Wayne County. Are these all "clerical errors" too?

Waxa uu sheegayaa in ay yihiin dad dhintay, laakiin sidoo kale codeeyay doorashadii madaxtinimada ee gobolka Michigan.

Sheegashooyinka sidan oo kale ah marar badan ayaa lagu soo celceliyay barnaamijyada kala duwan ee warbaahinta bulshada, oo ay ku jiraan sharci-dajiyayaasha xisbiga Jamhuuriga.

Liiskan10,000 wuxuu ka kooban yahay magaca, lambarka boostada, iyo taariikhda cod-bixinta la helay. Qaar ka mid ah dadkan ayaa la sheegayaa inay dhinteen in ka badan 50 sano ka hor.

Michigan waxay leedahay xog ururin kuu ogolaaneysa inaad gasho magaca qof, lambarka boostada, bisha dhalashada iyo sanadka dhalashada waxayna kuu ogolaaneysaa inaad aragto haddii ay ku codeeyeen codbixin maqane ah sanadkan. Marka waxaad si fudud u hubin kartaa in dadka liiska ku jira ay codeeyeen iyo in kale.

Waxa kale oo jira dhowr degel oo Mareykan ah oo ay ku jiraan keydadka xogta dhimashada.

Laakiin waxaa jira dhibaato aasaasi ah oo ku saabsan liiskan 10,000.

Two male protesters in Michigan hold signs claiming voter fraud. One reads "Voter fraud" and other other "Detroit cheats".

Liiskan waxaa lagu arki karaa waxyaalo badan oo been ah sida – qof dhashay bishii Janaayo 1940 ayaa ka codeeyay Michigan doorashadan, waxaana jiray qof kale oo ku dhashay meel kale oo Mareykanka ah Janaayo 1940 oo ay isku magac yihiin qofkan asee hadda dhintay. Tani waxay ka dhici kartaa meelo badan oo aan xataa Mareykanka ahayn halkan (328 milyan oo qof aya ku nool), gaar ahaanna magacyo guud, in ay laba qof isku magac noqdaan waa wax iska caadi ah.

Si aan u baadhno liiskan, waxaan ka soo xusnay 30 magac oo kala sooc lahayn. Waxa aan sida o kale ku darnay qofka ugu da’da weyn liiska.

Liiskan oo ka kooban 31 magac, waxaan ku guuleysannay inaan si toos ah ula hadalno 11 qof (ama xubin qoyska ka mid ah, deris ama shaqaale guri) si loo xaqiijiyo inay weli nool yihiin.

17 qof oo kale, ma jirin diiwaanka dadweynaha ee dhimashadooda, waxaanan ka helnay caddeyn cad oo ah inay noolyihiin kadib taariikhda la sheegayo ee dhimashada ee liiska 10,000. Naqshad cad ayaa soo baxday – waxaana taasi noo caddaysay in waxa meesha ku qorani yihiin wax been ah.

Ugu dambeyntiina, waxaan ogaanay in saddex qof oo liiska ku jiray ay runtii dhinteen. Waxaan baadhi doonnaa kiisaskan mar dambe.

A protester in Michigan holds up a sign that says "Make Every Vote Count"

‘Arrintani waa waxyaalo ka dhasha tirokoobyada la sameeyo’

Xulashadayada 31 kiis ayaa ah muunad yar oo ka mid ah 10,000 oo magac oo liiska ku jira, laakiin waxay si cad u muujisay cilladaha ku jira xogta ay baahiyeen taageerayaasha Trump.

Baadhitaankeenii waxaan ku ogaannay in la isku dhex walaaqay xogta dad nool iyo kuwa dhintay si loogu eekaysiiyo in dadkaasi yihiin dad dhintay dhammaantood.

“Haddii liisaska la isku xidhayolaguna saleeyo magaca iyo taariikhda dhalashada oo keli ah, gobol baaxad ahaan leeg Michigan, waxaa suure ah in aad helayso waxyaabo been abuur ah,” ayuu yidhi Prof Justin Levitt, oo ah khabiir ku takhasusay sharciga dimuqraadiyadda.

Waxaa loo yaqaan arrimahan dhibaato ka dhalata taariikhda dhalashada – waana suuragal in laba arday oo isku fasal ah ay yeesheen isku xilli dhalasho.

Sidaa darteed haddii aad isbarbardhigto malaayiin cod bixiyayaal ah oo ku nool Michigan iyo macluumaadka dhimashada ee guud ahaan Mareykanka waxaa hubaal ah inaad heleyso kuwo is leh, gaar ahaan haddii keydka cod-bixiyaha uusan ku jirin maalinta bisha ee uu qofku dhashay.

“Si fudud waa arrin ku saabsan tirakoobyada haddii aad tixraacdo malaayiin diiwaan oo aad la socoto malaayiin diiwaanno kale, waxaad heli doontaa tiro aad u badan oo is leh,” ayuu yiri Prof Justin Levitt.

Iyada oo codkeeda si aamin ah loo dhiibtay, lana tiriyey, Maria Arredondo waxay noo sheegtey in ay wax wanaagsan rajeyneyso maamulka cusub.

“Joe, wuxuu u ahaa madaxweyne ku xigeen weyn Obama intii uu xilka hayay. Aad ayaan ugu faraxsanahay. Culays ayaa garbahayga ka degay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here