Sawir Carruureed Booliska Germany Ka Caawinaya Inay Helaan Danbiile La Waayey

0
227

Booliiska magaalada ku taal galbeedka Jarmalka ee Hamm ayaa adeegsanaya sawirro ay sawirtay inan yar oo lix jir ah si ay u raadiyaan darawal khalad gashay oo la sheegay inay jabisey qayb ka mida waddadii gawaadhida.

Booliska ayaa ammaanay afartii carruur ahayd ee sawirrada lahaa, iyagoo sheegay inay si rasmi ah qeyb uga ahaanayaan baadhitaanka.

Carruurtu waxay sugayeen inay waddada ka gudbaan markii ay goobjoog ka ahaayeen darawalkaas, oo ahayd haweeney timo gaaban leh.

Wadahan “dan kama gelin dhibaatada uu geystay wuuna sii waday gaadhiga”, ayay booliisku ku sheegeen Facebook.

Celina's drawing

Markii ay carruurtu – Luisa, Romy, Celina iyo Luis – ay u soo sheegeen dhacdada macallinkooda waxay u sheegtay inay sawir ka sameyaan ka dibna waxay ku wargelisay booliska.

qoraal dhanka Facebook ay soo dhigeen booliisku waxay ku baahiyeen laba sawir, laakiin mid ayaa si muuqata u muujinaya darawalka oo faahfaahsan.

Akhristayaashu aad ammaaneen afarta dambi baadhe ee carruurta ah, labona waxay soo jeediyeen in sawir-gacmeedyadu ay ka faa’iido badanyihiin sawirrada ilaalada ee ay duubaan muuqaal duubayaashu

Michael Schulte oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa qoray: “Ficil argagax leh oo ay u soo joogeen caruurtu. Dad waaweyn oo badan ayaa wax ka baran kara tusaalaha caruurtaas.”

Hamm wuxuu ku dhow yahay Dortmund, oo ku taal gobolka warshadaha Ruhr ee Jarmalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here