Kumannaan U Sii Qaxaya Dhankaa Iyo Sudan Oo Ka Yaacaya Colaadda Itoobbiya

0
316
Kumannaan shacab Itoobbiyaan ahaa ayaa u qaxaya dalka ay deriska yihiin ee Suudaan, si a uga baxsadaan colaadda sii huraysa eek a taagan waqooyiga dalkooda, taas oo la filayo in dad kale oo fara badan ay qixi doonaan, marka loo eego war ay baahiyeen waaxda Qaramada Midoobay ee Sudan.

In ka badan 7,000 qaxoonti ah ayaa galay dalka Sudan, xilli ay saameeyeen dagaalka ka dhex oogan dawladda xoogagga maamulka Tigreega, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan UN-ta Filippo Grandi.

.

“Waxaa halkan jooga barakacayaal farabadan oo ka soo qaxay gobolka Tigreega ee dalka Itoobbiya” ayaa uu ku sheegay Tweet. “Haddii xaaladda adagi sii socotana, samaaynta biniaadantinnimo waa ay sii xumaan doontaa.”

Habeenkii salaasadii , inka badan 1800 oo qof ayaa ka tegey itoobbiya oo gooyay xuduudda u dhexeysa iyaga iyo gobolka Suudaan ee Kassalla, halka kumannaan kalena ay ka soo galeen dhanka Al-Luqdi.

Maamulka gobolka ee Kassalla ayaa diyaarinaya goobo lagusoo dhaweeyo dadka oo qaadaysa 20,000 hordhac ahaan, sida ay uu sarkaal UN ka tirsan u sheegay CNN. Inkasta oo xuduuddu xidhan tahay haddana guddoomiyaha gobolku wuxuu Amnesty u soo bandhigay inay qaabilaan, halka UN saadaalisay dad gaadhaya 100 kun ay xuduudka kasoo gudbi doonaan illaa sannadka danbe.

Dagaalka ayaa bilaabmay 4 bishan November

Ku dhawaad laba toddobaad deegaannada ku teedsan xadka ay wadaagaan deegaannada Amxaarada iyo Tigraay waxaa ka socda dagaal xooggan oo qayb ka aha dagaalka ay dowadda dhexe ku qaadday deegaanka Tigraay kaddib marki ay dowladda Itoobiya ciidamo daacad ah u ah TPLF ay ku eedeysay iney weerareen ciidamada federaalka ee qaybta waqooyi.

Qalalaasaha Tigraay: “Xasuuq ka dhacay” gobolka Tigray ee Itoobiya

Hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa maanta hsaacisay inay xaqiijisay xaquuq ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo ay sheegtay in lagu dilay dad badan oo ay suuragal tahay inay gaadhayaan boqollaal ruux.

“Waxaan xaqiijinnay xasuuq loo geystay dad shacab ah oo aad u badan, kuwaasoo u muuqday inay yihiin dad magaalada ka xamaasha oo aan sinaba ugu lug lahayn howl-galka milatari ee socda. Tani waa musiibo naxdin leh oo inta ay la egtahay uu sheegi karo waqtiga oo kaliya maadaama adeeggii isgaarsiinta ee gobolka Tigray uu wali xiran yahay,” ayuu yidhi Deprose Muchena, oo ah agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.Sarkaalka u hadlay hay’adda ayaa dalbaday in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu fasaxo khadka isgaarsiinta ee deegaankaas.

“Dowladdu waa inay dib usoo celiso isgaarsiinta gobolka Tigray si wax looga ogaado ficillada ay milatarigeeda ka sameynayaan gobolka, loolana xisaabtamo, iyo sidoo kale in la xaqiijiyo adeegyada bani’aadannimo ee ay sameynayaan hayadaha gargaarka iyo kuwa kormeera xuquuqda aadanaha. Amnesty International waxay si walbaba sii wadi doontaa inay wax kasta u adeegsato diiwaangalinta lagu sameynayo xaaladda iyo soo bandhigidda xadgudubyada ay sameynayaan dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyo.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Amnesty International ayaa sheegtay sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday meydad oo lasoo gaadhsiiyay ay u adeegsatay qalabka satellite-ka ayna xaqiijisay in waqtigooda uu yahay 9-kii bishan November.

Goobta uu xasuuqaas ka dhacay ayey hayaddu ku sheegtay magaalada Mai-Kadra oo ku taalla dhinaca galbeed ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here