Meherada Loogu Talo-galay Kaliya Dadka Buur-buuran Ee Hargaysa Ku Taal

0
276

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaa dhawaaan laga furay maqaaxi ka duwan kuwii hore loogu yaqaannay. Waa maqaaxi u gaar ah dadka buurbuuran ama cayilan waxaana halkaas laga helayaa bun hilibka ka ridaya qofka.

Dur ba furitaankeedii waxaa soo buuxiyey dad fara badan oo u badan dad ka yimi qurbaha, kuwaas oo hore u yaqaannay bunkan hadda uun Hargeysa ku cusub.

“Dad badan oo danaynaya ayaa noo yimi oo raba in ay is dhuubaan” ayay Yaasmiin oo mulkiiilaha meheraddan ahi u sheegtay warbaahinta 

Cayilka ama buurnida ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaysay deegaammada Soomaalida, siiba haweenka. Waxaana mulkiilaha meheraddani noo sheegtay in macaamiisheeda ay noqdeen haween.

“Hilibkii caafimaad darro ayuu keenay, waa labbisan weynay, socod la’aan baa imaatay markaa waxyaalo badan baa jira oo bunkan nagu qasbay”. Ayay warbaahinta usheegtay mid ka mid ah haweenkii buurbuurnaa ee meheraddan yimi.

Sidee bunkani u yarayn karaa cayilka?

Yaasmiin oo lafteedu isticmaasha ahna mulkiilaha goobtan ayaa BBC-da u sheegtay, in bunkani caloosha socodsiin doono, qofkuna uu hore ka dareemi doono. Waxa ay sheegtay in uu ku qasbi doono in qofku tamar u hayo in uu socsocdo, isla sida oo kalena waxa uu ka xidhi doonaa abateedka ama cuntada oo ka yaraata, si uusan qofku ugu baahan cunto badan oo uu cuno

“Aniga hadda oo kale waan cayilnaan jirey 22kg baa iga dhacday, imika qofka i arkaa i garan maayo. QofkU marka uu cayilo calooshaa weynaata oo wax kasta wuu ku ridi karaa, se kan waxa uu ka xidhayaa si aanad cunto badan u cunin oo lumiso buurnaantii”.

Waxaa toban jibaar sare u kacay cayilka siyaadada ah ee fuula carruurta iyo dhallinyarada da’da yar, afartankii sano ee u dambeeyay, taas ayaa ka dhigan in 124 milyan oo gabdho iyo wiilal isugu jira oo adduunka ku nool ay aad u cayilan yihiin, sida ay muujinayso cilmibaaris cusub oo la sameeyay.

Cilmi baaristan lagu qoray Lancet ayaa ah middii ugu baaxadwaynyd ee nooceeda ah waxayna u muuqataa in cayilka siyaadada ah uu ku faafayo in kabadan 200 oo dal.

Marka la fiiriyo UK tobankii ilmood ee dadoodu u dhaxayso 5 ilaa 19 mid ka mid ah ayaa aad u cayillan.

Carruurta aadka u cayillan ayay u badan tahay in ay sii cayilnaadaan marka ay waynaadaan, taas oo u keenaysa halis caafimaad oo baxad leh, sida ay khuburadu sheegayaan.

Khariidaddan hoos ka muuqata waxay tilmaamaysaa cayilka wiilasha

Shaxda wiilasha, Guduudka ayaa tilmaamaya dalalka ugu badan ee cayilka siyaadada ah ka jiro, waxaa soo raaca jaalaha, cagaarka iyo buluuguna waxay ka dhigan yihiin in cayilka siyaadada ah ee dhallaanku uu ka hooseeyo 5%

Khariidaddan hoos ka muuqata waxay tilmaamaysaa cayilka gabdhaha

Shaxda wiilasha, Guduudka ayaa tilmaamaya dalalka ugu badan ee cayilka siyaadada ah ka jiro, waxaa soo raaca jaalaha, cagaarka iyo buluuguna waxay ka dhigan yihiin in cayilka siyaadada ah ee dhallaanku uu ka hooseeyo 5%
Shaxda wiilasha, Guduudka ayaa tilmaamaya dalalka ugu badan ee cayilka siyaadada ah ka jiro, waxaa soo raaca jaalaha, cagaarka iyo buluuguna waxay ka dhigan yihiin in cayilka siyaadada ah ee dhallaanku uu ka hooseeyo 5%

Cayilka ama buurnaanta ayaa khubaro badan oo caafimaad aamminsan yihiin in ay qofku uu halis ugu jiro cudurro badan. Cilmibaareyaashu waxay ogaadeen in dadka aadka u cayilan ee markaas xaaladdooda caafimaad ay siddii loo baahnaa tahay in ay halis wayn ugu jiraan in ay qaadaan wadne xannuun, qayb ka mid ah jidhka oo hawlgab noqoda, wadnaha oo istaaga, marka la barbar dhigo kuwa cayilkoodu uu siddii loo baahnaa yahay.

Cilmibaaris lagu sameeyay ku dhawaad 17,000 oo ruux, oo ku sugan UK, ayaa lagu ogaaday in dadka uu miisaanka jirkoodu sarreeyo ay halis ugu jiraan in ay 33% u geeriyoodaan cudurka covid-19 marka la barbardhigo dadka aan cayilneyn.

Maxaan ku wanaajin karaa caafimaadkeyga?

Sida ugu fiican ee aad fayo-qabkaaga ku xoojin karto waa inaad cunto raashin isku dheellitiran oo caafimaad leh, sidoo kalena sameyso jimicsi joogto ah.

Socod boobsiiska, orodka rucleynta ah iyo waditaanka baaskiisla ayaa ah waxyaabaha ugu fiican ee sahlan.

Haddii kale, isku day inaad cuntada iska yareyso, iskana ilaaliso waxyaabaha kugu khasbaya inaad raashinka iska badiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here