Wariye Saaxib La Ahaa Madaxweyne Oo Xabsi Lagu Xukumay

0
223

Nin madax ka ah Hay’ad weyn oo warbaahineed oo ka howlgasha dalka Algeria ayaa lagu xukumay xabsi muddo shan sano ah.

Anis Rahmani ayaa aad uga ag dhawaa Madaxweynihii sidii xoogga ah xilka looga tuuray ee Cabdulcaziiz Bouteflika kaddib markii dibad-baxyo waaweyn ay dalkaasi ka dhaceen sanadkii 2019-ka.

Waxaa uu ka mid ahaa shakhsiyaad awood lahaa oo ka ag dhawaa madaxweynihii xilka laga qaaday ee xabsi lagu xukumo.

Anis ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu duubay oo uu baahiyay wadahadal qadka taleefoonak uu kula yeeshay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka dalkaasi, isaga oo aan wax ogolaansho ah ka haysan.

Raxmani, oo magaciisa saxda ah uu yahay Maxamed Makaddem, ayaa qirtay inuu duubay wadahadalkaasi laakiin wuu diiday inuu wax dambi ah galay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP.

Eedaha uu Raxmaani wajahayay waxaa ka mid ahaa in uu wax u dhimay “sumcadda ciidanka”.

Madaxa Telefishanka Ennahar, oo loogu magacdarey warbaahintii ugu horreeysay ee Algeria, ayaa ku biiraya dad badan oo xabsiga ku jira oo la shaqeeynayay madaxweynihii hore.

Muddaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo Cabdulcaziiz Bouteflika ayaa Sannadkii 2019-kii gilgilay dalkaasi Aljeeriya, waxaana lagu qasbay inuu iska casilo xilka madaxweynenimo kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu doonayo inuu xilkaasi u tartamo markii shanaad.

Wixii xiligaas ka dambeeyay, baaritaan ku saabsan musuqmaasuq intii Bouteflika uu xafiiska hayey ayaa horseeday in la xiro xubno badan oo isaga la shaqeeya.

Waxaa xabsiga loo taxaabay wasiiro hore, taliyihii hore ee booliska iyo cunug lagu xanto in uu dhalay Bouteflika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here