Mas’uul Xalay Lagu Dilay Laascaanood.

0
303

Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay fiidnimadii hore  halkaas lagu dilay Mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Laascaanood.

Rag ku hubeysnaa Bastoolad ayaa xaafad ka tirsan Magaalada ku dilay Mas’uulka, xili uu kusii jeeday hoygiisa, isla markaana waxaa qeybaha sare ee jidhka lagaga dhuftay rasaas dhowr ah, isagoona goobta ku geeriyooday.

Marxuumka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Salaad Wadaadyare, wuxuuna ka tirsnaa Garsoorka Maxkamada Magaalada Laascaanood, waxaana goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas, sida warar xog ogaal ahi u sheegayaan Somalilandtoday.

Ciidammo kala duwan ayaa tegay goobta, isla markaana qaaday Meydka Cabdullaahi Wadaadyare, iyagoona intaas ka sameeyay howlgalo kala duwan oo ay ku raadinayaan raggii hubeysnaa, in kastoo aan lagu guuleysan in la qabto.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa hore uga dhacay dilal loo geystay Mas’uuliyiin iyo Askar ka tirsan ciidammada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here