Dowladda Kenya Oo ” Baadheysa Ka Ganacsiga Caruurta “

0
246

Dowladda Kenya aya amartay in baaritaan lagu sameeyo caruurta la xado ee lasii iibiyo kadib baaritaan ay BBC-da ka sameysay suuq madow oo lagu kala iibsado caruurta.

Hadalka dowladda Kenya ayaa yimid kadib markii barnaamijka baaritaanada BBC-da ee African Eye uu daaha ka rogay caruur la xaday, kuwaas oo laga soo iibsado isbitaalada dadweynaha.

Saraakiil caafimmaad ayaa adeegsaday dukumentiyo sax ah, si ay ula soo baxaan canug yar oo dhalan laba asbuuc kahor inta aanan laga iibinin weriye si qarsoodi ah u sameeyay warbixinta.

Wasiir katirsan dowladda ayaa sheegay in dembiilayaasha ay wajihi doonaan sharciga.

Mar uu ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ayaa wasiirka shaqaalaha iyo daryeelka bulshada, Simon Chelugui waxaa uu sheegay in kuwa iibiya iyo kuwa laga iibiya caruurta ay isku mid yihiin, waxaana uu ballan qaaday baaritaan dhab ah oo lagu sameynayo arrintaas.

.
Qoraalka sawirka,Barnaamijka baaritaanada ee Africa Eye

Baaritaanka ay BBC-da sameysay ayaa waxaa uu sidoo kale daaha ka rogay ka ganacsiga caruurta laga xado dadka nugul ee ku nool waddooyinka iyo xarumo caafimmaad oo sharci darro ah oo ku yaala Nairobi, halkaas oo caruurta yaryar lagu iibiyo lacag gaareyso afar boqol oo doollar.

Barnaamijka baaritaanka waxaa kale oo uu shaaca ka qaaday musuqmaasuq ka dhex jira isbitaalka dadweynaha ee Mama Lucy Kibaki ee Nairobi.

Fred Leparan oo ah shaqaale caafimaad oo katirsan isbitaalkaas ayaa fududeeyay iibinta ilma yar oo laba asbuuc dhalan, kaas oo uu ka iibiyay weriyaha baaritaanka sameeyay, waxaana uu ka siiyay lacag dhan saddex kun oo doollar.

Fred Leparan ayaa diiday dalab loo jeediyay oo ahaa in uu ka jawaabo caddeymaha baaritaanka lagu soo bandhigay. Wasiirka shaqaalaha ayaa qiray in loo baahan yahay in sare loo qaado qaar kamid ah xarumaha lagu daryeelo caruurta.

Ma jirto xog rasmi ah oo la xiriirta heerka ay gaarsiisan tahay ka ganacsiga caruurta balse hey’ad aan dowli aheyn oo lagu magacaabo Missing Child Kenya waxaa ay ku qiyaastay in saddexdii sano ee lasoo dhaafay la iibiyay caruur gaareysa 600.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here