Ruushka Oo Doonaya Inuu Putin Ka Difaaco Maxkamadeyn

0
284

Aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka ee loo yaqaan Duma ayaa taageeray hindise sharciyeed siinaya madaxweynayaasha Ruushka iyo qoysaskooda xasaanad ka ilaalinaysa in la maxkamadeeyo marka ay ka degaan xilka.

Qodobkan ayaa kamid ahaa isbedal dastuurka Ruushka lagu sameeyay kaasoo lagu ansixiyay afti la qaaday bishii July. Taageerayaasha Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ku badan labada aqal ee baarlamaanka Ruushka.

Muddo xileedka afaraad ee Putin ayaa ku eg 2024, balse isbedalka lagu sameeyay dastuurka ayaa u oggolaanaya inuu laba mar oo kale u tartamayo madaxtinimada waddankaas.

Waa 68 jir aan la ogeyn cidda uu doonaya inuu xilka ku wareejiyo.

Xeerka xasaanadda ayaa dib u soo celiyay shakiga laga qabo mustaqbalka siyaasadeed ee Putin, kaasoo xilka hayay tan iyo sanadkii 2000, isla markaana awood badan ku dhex leh Ruushka.

Ninka sida weyn u mucaaradsan ee Alexei Navalny ayaa Twitter-ka ku qoray: “Muxuu xilligan Putin ugu baahan yahay sharci xasaanadeed? “Ma dhici kartaa in keli-taliyayaasha ay si khiyaarkood ah xilka uga degaan?”

Hindise sharciyeedka ayaa ka gudbay akhrinta koobaad Talaadadii, waxaana diiday 37 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga hanti-wadaaga.

Waxaa u harsan laba akhrin oo kale inuu marsiiyo aqalka Duma, kadibna waxaa loo gudbin doonaa aqalka sare si uu u ansixiyo, kadibna uu u saxiixo Putin qudhiisa.

Hindisaha ayaa dhigaya in madaxweynayaasha hore iyo qoysaskooda aanay baari karin ama su’aal weydiin karin booliska, ama aan laga qaadi karin hantidooda.

Waxa ay sidoo kale xasaanadooda u saamixi doontaa in aan loo maxkamadeyn dembiyada ay galaan, marka laga reebo falalka khiyaano qaran iyo dembiyada kale ee culus iyadoo loo fiirinayo xaalad gaar ah.

Xilligan la joogo, madaxweynayaashii soo maray Ruushka waxaa ka nool Dmitry Medvedev oo ay saaxiibo dhaw yihiin Putin.

Madaxweynihii hore ee Midowgii Soviet, Mikhail Gorbachev, ayaan heli doonin xasaanadda noocaas ah, maadaama uusan ahayn madaxweyne u gaar ah Ruushka.

Mucaaradka ayaa dhaliilay aftidii July, iyagoo sheegay in Putin uu doonayo in weligii uu madaxweyne ka ahaado Ruushka, eedeyntaas oo uu beeniyay Vladimir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here