Saacad Gandhi Lahaa Oo Aan Shaqaynayn Imisaad Siisan Lahayd?

0
538
Saacad kuwa jeebka ah oo “duug ah oo jajabtay” oo uu lahaan jiray Mahatma Gandhi ayaa lagu xaraashay £12,000.

Saacadan oo ah nooca lagu samayn jiray Switzerland ayuu siiyey will uu awow u ahaa sannadkii 1944 si uu ugaga “mahad celiyo taageeradiisa”.

Waxa markii hore lagu qiyaasay in lacagta ugu badan ee la siisan doonaa tahay £10,000 laakiin waxa qiime intaa ka badan ku xaraashay jimcihii shirkadda East Bristol Auctions.

Andrew Stowe oo ka tirsan shirkadaas ayaa sheegay in qofka iibsaday yahay qof urursada waxyaabaha qadiimka ah oo ku nool dalka Maraykanka.

Iibkan waxa ka horeeyey xaraash hore oo lagu iibiyey muraayadii indhaha ee Gandhi oo lagu iibiyey £260,000 bishii Ogost.

Stowe ayaa sheegay in “bilahan dabayl fiicani u dhabatay” oo iibka saacaddani ahaa “mid kale oo la yaab leh”.

“Iibkii xiisaha lahaa ee aanu ku xaraashnay bishii Ogost [muraayadii Gandhi] ayaa waxa aad noogu batay codsiyada ah in aanu hayno waxyaabo kale oo uu lahaa” ayuu yidhi.

“Walax taariikhi ah”

Saacaddan waxa mar la haan jiray Mohanlal Sharma oo ahaa nijaar jeclaa Gandhi.

.

Sannadkii 1936 ayuu u socdaalay si uu ula kulmo halgamaagaa u doodi jiray xuquuqda madaniga ah oo uu inuu u shaqeeyo ku tabarucay.

Si uu ugu muujiyo inuu uga mahad celinayo jacaylkiisa, ayuu Gandhi saacadiisaa jeebka u siiyey 1944, markii dambena sannadkii 1975 ayaa saacaddaasi ku soo wareegtay wiil uu awow u ahaa.

“Waa walax la yaableoo taariikhi ah, waxaan qiimaha gaarka ah u sii yeelayaa waa in uu beri lahaan jiray Gandhi” ayuu yidhi Stowe.

“In ay tahay mid uu Gandhi lahaan jiray sannado badan ka dibna ay soo kala dhaxlayeen saaxiibo la aamini karo oo markii dambena kaydiyey, ayaa arinta gebigeedaba ayaa wax weyn ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here