Shiinaha Oo Markii Ugu Horreysay Dib Usoo Celinaya Dhagxaan Uu Bisha U Diray

0
326

Shiinaha ayaa sameynaya isku daygii ugu horreeyay ee uu dib ugu soo celinayo dhagxaantii tijaabada ahaa ee uu u diray bisha tan iyo 1970-maydii

Wuxuu Shiinaha rajeynaya in aaladda Chang’e-5 ee aan cidna wadin, maalinta Talaadada dib u bilaabi doono taasi oo la soo noqon doonto tijaabooyinkii lagu ogaan lahaa macluumaadka asalka bisha.

Hawlgalkii ugu dambeeyay ee noociisa ah, oo la oran jiray Luna 24, ayaa waxaa la sameeyay xilligi Midowgii Soofiyeeti 1976.

Haddii tijaabadan ugu dambeysay ay guuleysato, Shiinaha waxa uu noqonayaa waddankii saddexaad ee dib usoo celiyo dhagxaanta tijaabada ah ee loo diro bisha. Waxaa ka horreeyay Mareykanka iyo Waddamadii Midowga Soofiyeeti.

Baaritaanku wuxuu isku dayayaa inuu 2kiilo garam oo muunad ah ka soo qaado aag aan wali la booqan oo Dayaxa ah kaasi oo loo yaqaan Badweynta Duufaannada.

Marka la is barbardhigo, hawlgalkii 1976-dii wuxuu uruuriyay 170 garaam, halka howlgalladii Apollo ee Dayaxa dib loo celiyay 382kg oo dhagax iyo carro ah.

Aaladda Chang'e-5

Khubaradu waxay rajeynayaan in tijaabada Chang’e-5 ay si wanaagsan u fahmi doonto inta uu Dayaxu ku shaqeynayo Foolkaanaha.

Shiinaha ayaa tijaabada dayax gacmeedkeedii ugu horreeyay ee bisha loo diro hawada bilaabay sanadkii 2013-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here