Sarkaal Ka Tirsanaa CIA-da Oo Lagu Dilay Soomaaliya

0
345

 Sarkaal ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, ayaa dhowr maalmood kahor lagu dilay Soomaaliya, sida ay saraakiil Mareykan ah u sheegeen wargeyska New York Times.

Sarkaalka ayaa ka tirsan qeybta ciidamada sida militariga u tababaran ee CIA-da, wuxuuna horey uga tirsanaan jiray ciidamada xulka ah ee Mareykanka ee loo yaqaan SEAL Team 6.

Aqoonsiga sarkaalkan ayaa ah mid la qariyey, welina ma hubnaa xaaladda lagu dilay. Ma cadda haddii uu ku dhintay howl-gal ka hortag aragagixiso ama inuu ahaa dhibanaha weerar ka yimid cadowga, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Si kastaba, CNN ayaa sheegay in sarkaalka uu marka hore ku dhaawacmay howlgal, kadibna uu geeriyooday dhowr maalmood kadib, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

CIA-da waa ay diiday inay wax faallo ah ka bixiso arrintan.

Dhimashada sarkaalkan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Trump uu diyaariyey amar ciidamada Mareykanka ee gaaraya 700 looga soo saarayo Soomaaliya, kahor inta uusan xafiiska ka tegin.

Gudaha CIA-da, Soomaaliya waxaa looga arkaa dal halis badan. Qaar ka mid ah saraakiisha sare ee sirdoonka ayaa muddo dood ka qabay in howl-galka ka hortagga argagixisada ee Soomaaliya uu mudan yahay in loo halis geliyo nolosha saraakiisha CIA-da.

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ayaa rumeysan in Al-Shabaab ay tahay kooxda halista ugu xooggan ku haysa danaha Mareykanka ee gobolka iyo meelo ka baxsan, islamarkaana haddii aan laga hortagi ay halisteeda sii ballaaran karto, oo ay noqon karto mid caalami ah sida kooxda Daacish.

CIA-da ayaa Soomaaliya ka fulisa howlgallo qarsoodi ah, oo badankood lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka ee duqeymaha la beegsada haggaamiyayaasha kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here