Xog: Deni Iyo A/Madoobe Oo Aqbalay Codsigii Ka Yimid Musharaxiinta Mucaaradka

0
372

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ogolaaday codsigii ka yimid musharaxiinta madaxweynaha ee ku shirsan Muqdisho, ee ahaa inay wax ka bedelaan xubnaha guddiyada doorasho ee heer federal ay soo magacaabeen, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Musharaxiinta ayaa qoraal ay soo saareen 22-kii bishan uga codsaday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni inay dib u eegis ku sameeyaan, oo ay soo bedelaan xubnaha ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee ku jira labada guddi, midka doorashada iyo midka xalinta khilaafaadka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Axmed Madoobe iyo Deni ay aqbaleen codsigaas, diyaarna u yihiin in shaqaalaha rayidka ay ka saaraan xubnaha ay soo magacaabeen.

Afarta xubnood ee midkiiba ay soo magacaabeen Puntland iyo Jubaland ayaa waxaa ku jira xubno xilal ka haya maamulladaas, sida agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Puntland iyo hanti-dhowrka guud ee Jubaland.

Caasimada Online ayaa ogaatay in codsigii loo diray Jubaland iyo Puntland uu kusoo bixi doono war-murtiyeedka shirka Muqdisho, ayada oo diri doono dhammaam maamullada iyo dowladda federaalka.

Puntland iyo Jubaland ayaa kadib qaadi doono tallaabo ay ku saaraayaan shaqaalaha rayidka, si ay tusaale ugu noqdaan maamul goboleedyada kale, islamarkaana cadaadis u saaraan dowladda dhexe.

Xubnaha Puntland iyo Jubaland ay soo magacaabeen ayaan weli soo gaarin magaalada Muqdisho, waxaana la rumeysan yahay in labadan maamul ay saluugsan yihiin sida ay wax u waddo dowladda dhexe.

Waxay sidoo kale sidan u sameeyeen inay waqti siiyaan musharaxiinta, oo aan loo guda gelin doorasho, taasi oo ah waxa ay raadineyso dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here