Ganacsato Soomaali Ah Oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika

0
637

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay dil iyo dhaawac u geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa gudaha dalkaasi, kuwaas oo ganacsiyo ku lahaa halkaasi.

Weerarkan oo lagu beegsaday saddex dukaan ayaa ka dhacay magaalada Port Elizabeth ee gobalka Eastern Cape, iyada oo halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed, halka lagu dhaawacay mid kale oo lagu magacaabo Sayid Cali, kaas oo la dhigay isbitaalka.

Sidoo kale kooxaha burcadda ee u fuliyey weerarkaasi ayaa boob u geystay dukaamo ay lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku yaalla dalkaasi.

Mid ka mid muwaadiiniinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in meydka & dhaawac mar dambe  goobta ka qaadeen, waxaana meesha gaaray ciidan ka tirsan kuwa Booliiska.

Saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa sheegay inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, inkastoo aan gacanta lagu soo dhigin raggii ka dambeeyey.

Koonfur Afrika waxaa muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida oo dil, dhaawac iyo boob kala kulmo koox burcad Afrikaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here