Iran Oo Ku Eedaysay Israel Dilka Saynisyahankii Laga Khaarajiyey

0
465

Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa ku eedeeyey Israel in ay dishay saynisyahankii ugu sarreeyey khubarada nukliyeerka Iran Mohsen Fakhrizadeh, waxaanu intaa ku daray oo yidhi “falkaasi hakin maayo barnaamijka nukliyeerka Iran”.

Dhanka kale, hogaamiyaha sare ee ruuxiga ah ee Iran, Aayatullah Cali Khaaminei, ayaa dhaleeceeyey dilka saynisyahankii ugu sarreeyey khubarada nukliyeerka Iran. Waxaanu qoraal uu Twitter-ka ku baahiyey ku tirtirsiyey xukuumadda Iran in ay “si dhab ah u daba gasho fal dembiyeedkan oo ay ciqaabto iyaga iyo ciddii amarka ku siisay ba”.

 

Madaxweyne Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in “dalkiisu goorta ku haboon” ka falcelin doono dilkaas Fakhrizadeh, lakiin aanay arintaasi “Iran ku dirqiyeyn in ay go’aan hubsiimo la’aan ah qaaddo”.

Madaxweynaha oo gudoominayey shirka golaha wasiirada oo toos looga baahiyey Telefishanka dawladda ayaa yidhi “cadowga Iran ha ogaado in shacabka Iran iyo masuuliyiintiisuba a qabaan geesinimo ay kaga aar gutaan fal dembiyeedkaas oo aanay ka gacmaha ka laaban doonin”

Madaxweynaha Iran

Seynisyahankani barnaamijka Niyukleerka Iiraan Mohsen Fakhrizadeh ayaa lagu khaarajiyay meel u dhaw caasiamda Tehran, waxaa sidaasi sheegay wasiirka gaashaandhiga Iran.

Fakhrizadeh ayaa dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi ugu dhintay isbataal ku yaala magaalada Absard.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan Mohammad Javad Zarif, ayaa cambaareeyay dilkaasi isaga oo ku tilmaamay “ficil argagixiso”.

Saraakiil kale oo reer Iiraan ah ayaa waxay dhankooda dilkiisa ku eedeeyeen inay masuul ka tahay Israa’iil oo ay ka dambeyso.

 

Waxay ku hanjabeen saraakiishani inay u aargudi doonaan Seynisyahankan shalay lagu dilay meel u dhaw magaalada Tehran ee caasimada iiraan.

Israa’iil wali kama aysan jawaabin eedeeynta loo soo jeedayay, balse waxay horey Israa’iil u sheegtay in Mr Fakhrizadeh uu yahay maskaxda ka dambeysa barnaamijka qarsoodiga ah ee Niyukleerka Iraan.

Hay’adaha sirdoonka reer Galbeedka ayaa rumeysan in Fakhrizadeh uu ahaa shaqsiga ka dambeeyay barnaamijka qarsoodiga ah ee Niyukleerka Iiraan.

Dowladda Iiraan ayaa falka lagu diley Seynisyahankeeda ku tilmaamtay mid jabaneya shuruucda caalamiga ah, islamarkana mudan in la cambaareeyo.

La taliyaha hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Khamenei, ayaa ballanqaday inay weerar sida “sida biriqda oo kale” ay kaga aargoosan doonaan kuwa isku dayaya inay abuuraan dagaal toos ah.

Sidee wax u dhaceen?

Bayaan ay Jimcihii soo saartay wasaarada gaashaandhiga ayaa lagu sheegay: “argagixiso hubeysan ayaa bartilmaameedsatay gaari uu la socday Mohsen Fakhrizadeh, madaxa cilmibaaridda iyo hal-abuurka ee wasaarada.

Goobtii saynisyahannaka lagu dilay

“Ka dib isku dhac dhexmaray argagixisada iyo ilaaladiisa, Mr Fakhrizadeh ayaa waxaa haleelay dhowr xabo oo rasaas ah islamarkana waxaa loola cararay isbataalka, ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

“Nasiib daro dadaalkii ay u galeen dhkaaatiirta badbaadintiisa ayaan lagu guuleysan islamarkana daqiiqado ka dib wuu geeriyooday,” ayaa intaa lagu daray.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in dadka weerarka geystay ay rasaas ku fureen gaariga Seynisyahankani.

Dowladda Iraan ayaa ugu baaqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey inay cambaareeyaan dilkii lo geystay Seynisyahan dhanka Niyukleerka ah oo shalay al dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here