Madaxwaynaha Jubaland: Doorasho Ma Dhaceyso Haddii Aan Gedo Nagula Soo Wareejin

0
426

Madaxwaynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay “afduubaneyso,” doorashada soo socota.

Mr Axmed ayaa sheegay in dowladda fedaraalka ee soomaaliya ay wali haysato gobolka Gedo oo sida uu sheegay hoose yimaadda mamulkiisa.

Madaxwaynaha Jubland ayaa farta ku fiiqay in goobihii lagu heshiiyay in doorashada ay ka dhacdo qaarkood aysan jubaland ka talin ayna tahay in arrintaasi xal loo helo.

“Xamar baan wada tagnay waxbaanu ku hadalnay, waxaa la yiri doorasho ha la qabto, sidaa ha loo qabto, maamul walba labo meelood ha lagu qabto, aan idin waydiiye maanta guddi baa la iga sugayaa waxaa laga hadlayaa inaan doorashadii qabanno, waxaa noo qoran labo caasimadood inaan ku qabano waa Kismayo iyo Garbahaareey, jubaland maanta ma ka talisaa ma joogtaa jabhado iyo ciidan baa lagu siidaayay,”ayuu yir Axmed Madoobe,

Waxa uu intaa ku daray madaxwaynaha Jubaland in dowladda fedaraalka laga doonayo inay fuliso heshiiskii Muqdisho ee hanaanka doorashada kaasi oo ay gaareen maamul goboleedyada iyo dowoladda dhexe.

“Doorashada aan qabaneyno waa in waxaan ku heshiinay ay dhacdo, waa sax doorashadaasi waxaan rabnaa inay waqtigeedi ku dhacdo, dadka maamulka haya ee madaxda fedaraalka waa in wixii lagu heshiiyay ay fuliyaan,” ayuu intaa ku daray.

Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ugu baaqay dowladda dhexe inay maamulkiisa ku soo wareejiso gobolka Gedo si doorashada loo qabto.

“Waxaan ku heshiinay doorashadaasi inay dhacdo, maamul kastana uu labo meel ku qabto, waxaanu diyaar u nahay inaanu qabano oo labadii meelood ku qabano, laakiin waa goorma waa marka ay gacanteena ku soo noqoto(Gedo) oo gudoomiyihii gobolka uu tago oo ku xigeenkiisu tago oo madaxwaynaha iyo ku xigeenada inta ay tagaan ay iyaga wax ku sameyn karaan,” ayuu yiri Mr Mdaoobe

Madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya

Mr Axmed ayaa ka digay in hanaanka imika ay wax u socdaan haddii howlaha lagu wado aysan doorashada dhici Karin.

“Kuma dhaceyso doorasho sida ay maanta tahay iyo nooca afduub kuma dhaceyso,” ayuu yiri Mr Axmed Madoobe.

Caqabadaha hortaagan doorashada

Xilli doorashada Soomaaliya ay foodda inagu soo hayso ayaa waxaa muuqata inuu waqtiga is gurayo islamarkana aysan wax badan diyaarsaneyn.

Waxaa uu muran xooggan ka dhashay guddiga doorashada ee ay dowladda dhexe soo magacaawday islamarkana ay mucaaradka ku gacan seyreen.

Musharaxiinta madaxwaynanimada ee mucaaradka ayaa sameystay isbahaysi islamarkana waxay soo bandhigeen dhowr shuruud oo ay tahay in dowladda dhexe ay fuliso.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi, oo ah agaasimaha machadka cilmi baarista ee Heritage, ayaa sheegay in tabashada ku aadan doorashada uusan qabin oo kali ah madaxwaynaha Jubaland, balse ay tahay mid guud.

“Runtii hadalka madaxwaynaha Jubaland kaligii aniga hada uma arko in gooni loo fiiriyo, guud ahaan doorashada oo dhan ayaa waxaa ka taagan jahwareer wayn baa ka jira, isaga waxaa u ka hadlay gobolka Gedo oo uu leeyahay maamulkeyda ayuu hoos tagaa mana hoos tago imika oo dowladda ayaa haysta,” ayuu yiri Cabdi Rashiid.

Mr Cabdi rashiid khaliif ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan tabashooyiin badan oo ay qabaan musharaxiinta mucaaradka, iyo siyaasiyinta Soomaaliland oo dhammaantood dhaliilsan habka loo maareynayo doorashada.

“Halkan Xamar musharaxiin badan baa hadlay oo dowladda aad u dhaliilay dowladda sidey u maamuleyso, Somaliland dad ka soo jeeda qaar ayaa ka qaaylinaya habka wax loo maamulay, heer-kulka siyaasadda aad ayuu u kacsan yahay, waqtigana wuu isa sii gurayaa oo hadda December ayaa bilaabanaysa,” ayuu inta ku daray

Qorshaha doorashahda ayaa sidoo heshiisku ahaa, waxay ahayad inuu bilaabmo 1 bishan November, balse waxaa arrintaasi hareeyay mura xooggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here