Maxay Qaramada Midoobay ka Tidhi Dilka Muxsin Oo Horseedi Kara Dagaal Ka Qarxa Bariga Dhexe

0
478
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xiisadaha sii kordhaya ee bariga dhexe kadib dilkii loo gaystay Saynisyahankii ugu sareeyay Iran ee Nukliyeerka Mohsen Fakhrizadeh.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay is xakameyn iyo xaaladda la dejiyo wuxuuna cambaareeyay dil kasta oo sharci daro ah.

Hoggaanka Iiraan ayaa eedda dusha uga tuuray Israa’iil waxayna ballan qaadeen inay u aar gudi doonaan Mohsen Fakhrizadeh.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in meydkiisa la geeyay masaajidka Imaam Reza ee magaalada Mashhad ka hor aaska maalinta Isniinta ah.

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, wuxuu umuuqday inuu muujinayo in aargoosiga uusan dhaqso u dhici doonin. Maamulka Israil ayaa ka aamusay dilka.

Madaxweynaha Iran
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Iran

Dhanka kale, hogaamiyaha sare ee ruuxiga ah ee Iran, Aayatullah Cali Khaaminei, ayaa dhaleeceeyey dilka saynisyahankii ugu sarreeyey khubarada nukliyeerka Iran. Waxaanu qoraal uu Twitter-ka ku baahiyey ku tirtirsiyey xukuumadda Iran in ay “si dhab ah u daba gasho fal dembiyeedkan oo ay ciqaabto iyaga iyo ciddii amarka ku siisay ba”.

Seynisyahankani barnaamijka Niyukleerka Iiraan Mohsen Fakhrizadeh ayaa lagu khaarajiyay meel u dhaw caasiamda Tehran, waxaa sidaasi sheegay wasiirka gaashaandhiga Iran.

Fakhrizadeh ayaa dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi ugu dhintay isbataal ku yaala magaalada Absard.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan Mohammad Javad Zarif, ayaa cambaareeyay dilkaasi isaga oo ku tilmaamay “ficil argagixiso”.

Saraakiil kale oo reer Iiraan ah ayaa waxay dhankooda dilkiisa ku eedeeyeen inay masuul ka tahay Israa’iil oo ay ka dambeyso.

Sidee wax u dhaceen?

Bayaan ay Jimcihii soo saartay wasaarada gaashaandhiga ayaa lagu sheegay: “argagixiso hubeysan ayaa bartilmaameedsatay gaari uu la socday Mohsen Fakhrizadeh, madaxa cilmibaaridda iyo hal-abuurka ee wasaarada.

Goobtii saynisyahannaka lagu dilay
Qoraalka sawirka,Goobtii saynisyahannaka lagu dilay

“Ka dib isku dhac dhexmaray argagixisada iyo ilaaladiisa, Mr Fakhrizadeh ayaa waxaa haleelay dhowr xabo oo rasaas ah islamarkana waxaa loola cararay isbataalka, ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

“Nasiib daro dadaalkii ay u galeen dhkaaatiirta badbaadintiisa ayaan lagu guuleysan islamarkana daqiiqado ka dib wuu geeriyooday,” ayaa intaa lagu daray.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in dadka weerarka geystay ay rasaas ku fureen gaariga Seynisyahankani.

Dowladda Iraan ayaa ugu baaqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey inay cambaareeyaan dilkii loo geystay Seynisyahan dhanka Niyukleerka ah oo shalay al dilay.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here