Cristiano Ronaldo oo Booliska Dalka Talyaanigu ku eedeeyen inu jebiyay shurucdi Covid-19.

0
382

Waxaa lagu eedeeyay inuu jebiyay shuruucda Covid-19 isagoo u kala safray gobollada Piedmont iyo Valle d’Aosta.

Muuqaal haatan la tirtiray oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya lammaanaha oo ku sugan hoteel buuraha ku yaalla, xilli Georgina Rodriguez ay u dabaal degeysay dhalashadeeda iyadoo 27 jir noqotay.

Talyaaniga ayaa waxaa maalin walba cudurka ugu dhintay boqollaal qof.

 

Dalkaas waxaa si xun u saameeyay xanuunka safmarka ah markii uu bilowga ahaa sanadkii hore, haatanna wuxuu ku jiraa jahwareer siyaasadeed, isagoo la daalaa dhacaya yareynta kiisaska mowjadda labaad ee xanuunka.

Boliiska Valle d’Aosta ayaa sheegay inay baarayaan in lammaanaha ay u safreen hoteelka Courmayeur.

 

Marka la eego shuruucda Talyaaniga, waxaa mamnuuc ah in la isaga kala goosho gobollada ay digniinta Covid ka jirto ee Qadka Oronjaha loo yaqaanno, marka laga reebo sababo shaqo amaba haddii ay yihiin hoygaaga labaad.

Wararka warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaya in lammaanaha ay Talaadadii u safreen ayna ku hoydeen hoteelka kahor inta aysan Arbacadii ku laaban Turin, oo ah saldhigga Naadiga Serie A ee Ronaldo.

Rodriguez, oo dharka xayeysiisa, ayaa sawirka la wadaagtay 23m oo ku xiran barteeda.

 

Haddii lagu helo inay jebiyeen shuruucda, waxay labadooduba wajihi doonaan ganaax.

Arrintan ayaa imaaneysa bilooyin kaddib markii Ronaldo qudhiisa uu ku dhacay Covid-19. Xilligaas wasiirka cayaaraha ee Talyaaniga ayaa ku eedeeyay inuu u safray Portugal wax yar kahor inta aan laga helin fayraska.

Vincenzo Spadafora ayaa Ronaldo ku tilmaamay “macangag” iyo “qof aan xushmad lahayn” wuxuuna ku eedeeyay inuu baal maray shuruucda Covid-19. Cayaar yahanka ayaase beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here