Taliyaha booliska gobolka waqooyi bari Kenya oo faahfaahin ka bixiyay qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan Kenya

0
316

Taliyaha booliska gobolka waqooyi bari Kenya ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan Kenya, kaasi oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa lagu dilay sarkaal boolis, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, kadib markii gaarigooda uu qarax ku dulmaray meel ku dhow xadka ay la wadaagaan Soomaaliya

Sidoo kale taliyaha  ayaa sheegay in dhaawacyadda loo qaadey isbitaalada ku yaala dalka kenya, islamarkaana haatan xaaladooda la baxnaaniyo.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa waxaa uu shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa aalaaba waxay adeegsataa miinooyinka waxaana ay si gaar ah u beegsataa saraakiisha amniga ee ka howlgala xuduudka Soomaaliya iyo Kenya. Howlgaladaas roonada ah waxaa lagu sugaa amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here