Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Kulan Ka Qaatay Masuuliyiin Ka Tirsan Xukumadda Jabuuti

0
518

sharJabuuti  farxan jabuuti(QoryaaleNews) Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan xukumadda jabuuti, Farxaan Aadan Haybe Wasiirka Wasaarada duulista iyo hawada Somaliland oo safar shaqo ku jooga dalkaasi jabuuti isla markaana uu weheliyo safiirka Somaliland ujooga dalka jabuuti ayaa heshiisyo dhinacyo badan taabanaya la sexeexday saraakil ka tirsan xukumadda jabuuti.

Cabdifataax Siciid Axmed danjiraha Somaliland ujooga dalka jabuuti ayaa ugu horeyn ka waramey heshiisyada ay la galeen xukumadda geelle”shalay [doraad] waxaa safar shaqo ku yimi dalka jabuuti Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland farxaan aadan iyo wafti uu hogaaminaayo kulamo badan ayay la galeen shalay iyo maantaba, shaley heshiis ayay saxeexdeen labada wasaaradood, heshiiskaa shalay si fiican ayuu kusoo dhamaadey, sidoo kale waxan manta [shalay] la kulaney wasiirka maaliyada ee jabuuti, madax kale oo jamhuuriyada jabuuti ka tirsan sidoo kale igaad ayaana iyana la kulaney”ayuu yidhi Cabdifataax Siciid Axmed danjiraha Somaliland

Geesta kale wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland ayaa dhankiisa ka hadley safar shaqo ee uu ku joogo dalka jabuuti iyo heshiisyada ay la saxeexdeen madaxda dawlada jabuuti waxaanu yidhi”halkan [jabuuti] waxaanu ku nimi martiqaad rasmi ah oo aanu ka helney wasiirka gaadid ee dawlada jabuuti qorshahayagu wuxuu ahaa mid soo jireen ah oo soo jirey dabcan waxaa qorshaha ku jirey markaan hawlaha wasaarada dhameysano inaan igad la kulano oo uu jirey wada hadal hore noo socdey oo ah iney qalabeeyaan qaybta saadasha hawada ee wasaarada duulista iyo hawada Somaliland oo qalabkeedii baryahaaba ka sugeyney falilaahi xamdi heshiiskaasi si wacan ayuu u qabsoomey”ayuu yidhi Farxaan Aadan Haybe Wasiirka Wasaarada duulista iyo hawada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here